Edna Adan Oo Mayal Adag Kaga Hortimi Haweenaydii Hirgalisay Kiniisadda Iyo Shardi Adag Oo Ay Dul Dhigtay Ajaanibka Jaamacadeeda Ka Shaqo Galaya

0
389

Ergayga Gaarka ah ee Somaliland u qaabilsan wada-hadalka ay kula jirto Somaliya ahna Mulkiilaha Jaamacadda Adna Aadan oo ah Jaamacadii ay macalinka ahayd gabadhii ku dhawaaqday in ay dib u furtay kiniisadii Hargeysa ka dhisnayd Marwo Adna Adan ayaa markii u horaysay ka hadashay sida ay u aragto dhawaaqii haweenaydaa ka soo yeedhay.

Adna Adan ayaa shaaciyey in ay shuruudo garab istaag u ah diinta islaamka ay ka qori doonto qof kasta oo ajaanib ah ama diin kale wata oo Jaamacadeeda wax ka dhigaya isla markaana ay la kaashanayso culimada dalka.

Adna Adan waxa ay sidoo kale sheegtay in aanay kula socon raalina ka ahayn hadalkii iyo dhawaaqii muranka badan abuuray ee haweenayda ajaanibka ahi ku sheegtay in ay dib u fureen kiniisada magaalada Hargeysa taasi oo ugu danbayn Xukuumadu go’aan cad ka qaadatay.

Ugu horayn Adna Adan waxa ay ardayda fartay in wixii diinta ka soo horjeeda ama Barnaamijyo kale wada ay ku war galiyaan isla markaana u sheegaan Maamulka jaamacadda. “Waxaanan doonayaa inaad noqotaan kuwii inaga ilaalinayey mad madowgaa inaga soo dhex galaya Cusbitaalkeena Jaamacadeena, Dalkeena,  Danteena, Diinteena Islaamka wixii inaga soo dhex galaya inaad gidigeen askari wada noqotaann ayaan doonayaa hadii aad aragtaan wax aynaan gayin macalimiinta u sheega Sheekhiina Maxamed oo aan idinka fogaan u sheega waxbaanu yara tuhunsanahay intaanay waxan fidin ama bulaacadani inagu soo jabin ayeynu dee iska moosaynaa oo iska qabanaynaa.”

Marwo Adna Adan waxa ay sidoo kale sheegtay kana hadashay sida ay u aragto hadalkaasi waxa ay shaaciyey in maanta wixii ka bilaama shuruud iyo saxeex warqad qoran ah ka qori doonto qofka danbe ee ajaanib ah ee wax ka dhigaya jaamacadda ama Cusbitaalkeeda ka shaqaynaya waxayna tidhi. “Raali kamaan ahayn wixii gabadhaasi ku hadashay raali kamaan ahayn hadii ay la tagtay jaamacadda Alfa haday halkaa ka tidhaahdo iyo hadii ay halkan ka tidhaahdana labada dalkayga Somaliland ayey ka tidhi raali kama nihin iyada iyo cid kale toona waxaanan laga bilaabo maanta qofkii ajanibi ah ee inoo yimaada warqad ayaan ka saxeexayaa oo aan sheekhana Copy siin doono oo aan leeyahay mudadaa aad wadanka joogto hawshaa aad u timi ee aad tidhi waan qabanayaa waan kugu soo dhawaynayaa waanan kula shaqaynaynaa waanan kula qabanaynaa wax diintayada faro-galinaya ama dadkayaga diimo kale kala sheekaysanaya uma u soo jiidaya kaama ogolin taas ayey inoo saxeexayaan hadaanay ogolayn inooba soo gali maayaan qofka yidhaahda taa saxeexi maayo dee waa qof inoo badheedhay.” Ayey tidhi Marwo Adna Adan

Marwo Adna Adan ayaa ah Mulkiilaha Jaamacadda Adna Adan oo ah jaamacadii ay macalinka ka ahayd haweenaydii ku dhawaaqday furitaanka kiniisada Hargeysa waxaana arintaasi saamayn ku yeelatay guud ahaan dalka iyada oo ugu danbayn Marwo Adni ka hadashay aragtideeda iyo go’aanka Jaamacadda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here