Dowlada Federaalku waxey caddeyneysaa inuusan dhicin kulan looga hadlayey sumcada iyo sharafta shaqsiyaadka kor ku xusan.
Dowlada Federaalku waxey welwel ka qabtaa maqaalkan oo ujeedo guracan laga lahaa loogu danlahaa in lagu xumeeyo xidhiidhka wanaagsan ee Dowladda iyo Ganacsatada Soomaaliyeed.
Dowlada Federaalku waxey cadeyneysaa in Ganacsatada Soomaaliyeed ay door weyn ka qaataan dadaalada Dowladda ee soo celinta amniga iyo nabadeynta iyo horumarka dalka.
Dowlada Federaalka ee Soomaaliya waa ka go’antahay xoojinta nabadeynta iyo horumarka dalka tanoo u baahan warbaahin mas’uuliyadi ku jirto.
Dowladda Federaalka wet fahamsantahay waana ka go’antahay sare-u-qaadista cabirka fikirka xorta ah, hase yeeshee, waxaan ka digeynaa faafinta qoraalo iyo warar been-abuur ah oo si ku talogal ah warar been ah lagu faafinayo.