Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale oo mudo badan ka af xidhnaa bahda warbaahinta isla markaana ay soo baxayeen xogo sheegaya in uu dudmo iyo cadho khilaaf siyaasadeed ka abuurmay uu kaga maqan yahay ardaaga xisbiga Kulmiye ayaa ugu badan ka soo dhex hilaacay madal Meher ahayd isaga oo jeediyey hadalo duur xul u badnaa oo uu siyaasadda kaga hadlayo.
Dhawaaqa Ex Wasiir Samaale ayaa u jan jeedhay u duur xulista murashaxa iyo guud ahaan hanaanka ay ku socoto siyaasadda xisbiga Kulmiye isaga oo sheegay in qofka siyaasiga ahi uu gali karo xisbigii uu jeclaysto oo aanu u dabranaanayn xisbi kali ah taasi oo shacabka sii galisay shaki la xidhiidha siyaasadda Smaale halka ay ku jihaysan tahay.
Ugu Horayn Sheekh Samaale waxa uu ku baaqay in tartanka xisbiyadu uu noqdo mid salka ku haya u tudhaalaha shacabka iyo qaranka waxaana uu yidhi. “Siyaasadda inta badan xanaf ayaa timaada xagtinbaa timaad markaa waxa timaada xoogaa sidaa uu sheegay walaalkay Cabdiraxman Aw-cali Faarax marka la tartamayo siyaabaha qaarkood ayaa laysku dhibsadaa waxa se xaqiiqo ah shay walba fal ayuu leeyahay Kubada siyaasadda iyo dhaqanka wax kastaaba dhan loo raaco ayuu leeyahay wax walbana umadaa daawanaysa ayaa ciyaar wanaag san u dhigta.”
Samaale ayaa sidoo kale sheegay in aan xisbiga lagu raacin Qabyaalad isla markaana siyaasiga iyo shaqsiguba xor u yihiin in ay raacaan ama ay galaan xisbigii ay dantooda ka dhex arkaan hadalkaasi oo ahaa mid mal dahan sarbeeb culusna ku jirto isla markaana aamusiiyey dadkii madasha fadhiyey ayaa waxa uu yidhi Siyaasi Samaale.
“waxaan Leeyahay goobtu waa goob tartan qof walba xisbiga uu doono ayuu gali karaa laakiin si sharaf leh umada codkeeda in loo raadiyo qof walba xisbiga uu galayo ee uu dooranayo iyada oo aan qabyaalad jirin laakiin waxaan u baahanahay si sharaf iyo karaamo leh in aynu u tartano oo umada loo tudho oo halgankaa iyo taariikhdaa dheer aanay ku lumin si sahlan.”
Ugu Danbayn Cabdicasiis Samaale waxa uu qudbadiisa ku xidhay hadalo istaxan ah oo u dhigan hanaan uu mudo badan ka soo shaqaynayey isla markaana ah weerar ku socda xisbiga uu ka tirsan waxaana uu cadeeyey xisbiga iyo murashaxa shacabka Somaliland dooranayaan waxaana uu yidhi.
“waxaan hanbalyeynayaa oo aan tilmaamayaa in sadexda xisbi qaranba sadex xisbi qaran yihiin qof waliba xisbiga uu doono ayuu u madax banaan yahay qof meel ku khasbana inaanu jirin laakiin caqligaaga oo xor ah oo nadiif ah oo hadalkaaga iyo rayigaaga aad ku meel marto ayuu qof walba u baahan yahay dadkuna waa dadkaa ina daawanayoo qofkii hadal wanaag sanaada ee ciyaar wanaagsada ee dhaqan wanaag sanaada ayuunbay codkeeda siin doonaan” Ayuu yidhi Wasiirkii hore ee wasaaradda Maaliyadu.
Mudooyinkii u danbeeyey waxa la hadal hayey in uu Kulmiye khilaaf iyo cadho kaga maqan yahay Ex Wasiir Cabdicasiis Samaale isaga oo ka dhaartay in uu bahda warbaahinta horyimaado isla markaana ka dhex muuqdo xisbiga uu ka tirsan yahay ee Kulmiye inkasta oo uu hore u sheegay in uu xisbiga Kulmiye ku jirayo kuna jiri doono hadana waxa soo baxaya warar sheegaya in Sheekh Samaale ka jihaysan yahay xisbiga Kulmiye.
Cabdicasiis Samaale waxa uu mudo ku maqnaa dalka dibadiisa waxaana uu dhawaan ku soo laabtay Hargeysa guud ahaana kama dhex muuqdo siyaasadda iyo hawlaha shaqo ee xisbiga Kulmiye iyada oo wakhtigan lagu jiro xili xaasaasi ah oo doorashadii fooda inagu soo hayso.