Dawlada federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadashay isku dhacyo magaalada Muqdisho ku dhex maray ciidamo ka wada tirsan dawlada federaalka ah.
Wasiirka gaashaandhiga iyo taliyaha ciidamada nabad sugida ee dawlada federaalka ah ayaa sheegay dagaalka dhex maray ciidamada ka wada tirsan dawlada oo ay ku geeriyoodeen shan askari oo ka tirsan labada ciidan. Wasiirka gaashaandhiga soomaaliya oo ka hadlay isku dhaca dhex maray ciidamada ayaa waxa uu yidhi “Dagaalka dhex maray ciidamada waxaanu u saarnay guddida baadhaysa dadkii ka dambeeyey in dagaalka ciidamadu dhaco, waxaana laga qaadi doonaa talaabo tusaale u noqon doonta in mar kale ay ciidamadu sidan oo kale iskugu dhacaan.”
Wasiirka gaashaandhiga ayaa sidoo kale sheegay in isku dhaca ciidamadu aanu ahayn mid ku tala gala, waxaanu tacsi u diray ehelada iyo ciidamada ay ka baxeen askarta geeriyootay.
Dhinaca kale taliyaha ciidamada nabad sugida soomaaliya Cabdilaahi Cali Shanbaloolshe isla markaana ah taliyaha ciidamada xasilinta magaalada Muqdisho oo isaguna ka hadlay isku dhaca ciidamada ayaa waxa uu sheegay in dawladu baadhitaan dhab ah bilawday “dagaalka dhex maray ciidamadu muu ahayn mid ku tala gala, wax niyad jab ahna lagama yaabo inuu u gaysto shacabka soomaaliya ee rajada badan ka qaba xukuumada, waxaanan u ducaynaa intii ku geeriyootay in alle naxariistiisa siiyo intii ku dhaawacantayna uu caafimaad ugu badalo.”
Sidoo kale taliye Shanbaloolshe ayaa sheegay in mudooyinkii ugu dambeeyey guul fiican laga gaadhay hawl galadii xasilinta magaalada Muqdisho, iyada oo ay ciidamada hawl galkaas wadaana ay maanta gacanta ku soo dhigeen laba askari oo ka tirsan ciidamada milatariga soomaaliya kuwaas oo watay dhar shacab.