Xoghaya Dawlada Hoose ee degmada Hargeysa Cali Xasan Cawaale ayaa dagaal gacan ka hadal ah ula tagay Suldaan Barre Xaaji Xuseen oo ka mid ah salaadiinta ugu tunka wayn Gobolka Hawd.
Dagaalkaasi oo dhacay maalintii Isniinta ayaa dibada u soo baxay isla markaana labada dhinac isku adeegsadeen warbaahinta waxaana laysku seegay baloodhaynta iyo kala qayb sashada dhul xabaalo ah oo marxuumiin Eebe Oofsaday ay ku aasan yihiin kuwaasi oo lagu muran san yahay hanaankii lagu baabiin lahaa xabaalahaasi isla markaana loogu bedeli lahaa dhul dadku dego oo kooxo gaar ahi iibsadaan.
Xoghaya Dawlada Hoose ayaa la sheegay in markii Suldaan Barre iyo koox uu watay xafiiska ugu yimaadeen isla markaana uu murankoodu cirka gaadhay in uu dhirbaaxay Suldaanka ka dibna halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya xoghaya iyo Suldanaka iyada oo markii danbe ay ku kala dhex guntadeen dadkii goobta ka dhawaa.
Arinta baloodhaynta iyo dhulka Danta Guud ayaa gaadhay halkii u saraysay waxaana Dawlada Hoose iyo arimaha dhulka ayaa ah mataano madaaxa iskula jira maareyn la,aan dadka dhulka iyo dawlada hoose ka dhex cakiran. Dhulkan ay baloodhayso isla markaana ay baabiiso qabuurihii iyo xabaalihii kal hore lagu aasay marxuumiin ifkan ka caraabay.
Khilaafyada dhulka ee U dhexeeya dawlada hoose iyo shacabka ayaan ahayn markii koobaad balse waa dhacdooyin maalinle noqdey kuwaas oo degay barada dawlada hoose ee hargeysa.
Arrimaha dhulka ayaa iyaguna ah dariiqo ka lifta dhacdooyin joogta ah oo daris la noqdey xarunta dawlada hoose ee hargeysa.