Xukuumadda Oo Si Adag Uga Hadashay Mudaharaadkii Gil-Gilay Gabilay Iyo Cida Ay Tunka U saartay

0
428

Xukuumada somaliland ayaa ka hadashay mudaharaad ka dhacay magaalada Gabiley.  Ciidamada amaanka ee soomaaliland ayaa xabsiga dhigay dhalinyaro mudaharaad ka dhigay magaalada Gabiley, kuwaas oo ku dhawaaqayey erayo ay kaga soo horjeedaan murashaxa madaxweynaha ee xisbiga Kulmiye.

Wasiirul dawlaha wasaarada arimaha gudaha somaliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa sheegay in mudaharaadkaas ay u xidheen qaar ka mid ah dhalinyaradii soo abaabulay waxaanu yidhi “Mudaharaadka maalintii ayeynu maqli jirnay hadaynu imikan inagu hadhka isku soo raacno mushkiladeeda ayey leedahay, nimanka dhalinyarada ah ee Gabiley jooga ama halkay doonaan jooga waxaan leeyahay xaalad doorasho ayeynu ku jirnaa, xaalad nabad galyo ayeynu ku jirnaa xasilooni daro badana

way inagu gadaaman tahay cidii talaabooyinkaas qaada talaabo ayaanu ka qaadaynaa, mudaharaad aan fasax lahayna maba jiro aduunka, halkana ka dhici maayo aduunka kalana ka dhici maayo, mudaharaadka noocaas ahna fawdo ayaa la yidhaa, ha ogsoonaadaan da’yarta dalkan la doonayo in loo barbaariyo ee waxaas ku dhaqaaqaysaa in ninka galbeed jooga loo diri doono Gar Adag ka bari joogana aanu gayn doono Boorama iyo meel ka fog, waana war cad oo aan leex leexad lahayn.”ayuu yidhi wasiirul dawlaha arimaah gudaha oo u waramay Star TV.

Wasiir Maxamed Muuse Diiriye ayaa sidoo kale sheegay inay sii wadaan ka hor taga mudaharaadada aan ogolaanshaha haysan waxaanu yidhi “Tirada aanu qabanay lama tiriyee rag ayaanu xidhnay, waxaanan xidhnay niman wax sameeyey, talaabo ayaanu ka qaadaynaa iyaga iyo wixii la mid ahba, mudaharaadkana waa la yaqaanaa jidka loo maro, dadkana fawdo ka dhex abuuri mayno oo isku sii dayn mayno, indha la,aana isku gali maayaan, aduunka hanti  ayaana taala oo haddii tuug iyo inanyari dhex cararaan yaa ka masuul noqonaya wixii ay gaystaan, mudaharaadkana kii aan la ogolayn waa la joojinayaa, dhalinyarada iyo xisbiyadana waxaan leeyahay joojiya oo ubadka yaryar ha bahalo galinina haddii kale balanka ilaahay idinka ayaa ka sheekayn.”

Wasiir Maxamed Muuse Diiriye oo hadalkiisa sii wata ayaa xisbiga mucaaridka ah ee Waddani tunka u saaray mudaharaadkii ka dhacay Gabiley waxaanu yidhi “Maxaa iyaga soo kicinaya miyey xisbiyadooda iyo xafiisyadooda iyo nidaamkooda hagaajistaan, kolba afar inan oo yar yar ayaa meel la soo taagayaa, runta ayaanan sheegayaa anigu gaban maayee fidnadaas waxa wada xisbiga Waddani haddii ay ka joogi waayaana umada ayaanu u sheegaynaa,wasaaradii arimaha gudaha ayaanu nahay nabad galyadana anaga ayaa wadanka uga masuula oo madaxweynuhu noo igmaday.”

Wasiir Maxamed Muuse Diiriye oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Dad ayey daydayayaan, dadkana sidaas laguma helo, afar inan ayaa maalin dhawayd la soo tumay iyada oo la soo raaciyey caruurtii madaarisadaha, waa la ogaa wixii ka dhacay New Hargeysa, waa la ogaa wixii ka dhacay Burco iyo wadadaas, ubadka dariiqyada la dhigayo ee dadka lagu dirayo joojiya ayaanu leenahay, runta ayaanu sheegaynaa haddii aanu nahay wasaarada arimaha gudaha  qaabka uu xisbiga Waddani wax u wadaa in dalkan dhibaato ka dhacdo, ogolaan mayno oo nina ku saamixi mayno oo anaga ayaa masuuliyada qarankani na saaran tahay oo ilaalinayna.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here