Wasiirka Hawlaha Guud Oo U Quusgooyey Shaqsiyaad Aan Dhegaha Ka Maqlikarin Dhismaha Wadada Ceerigaabo Kana Hadlay Halka Ay Mareyso

0
509

Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeenta Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed oo ay wehelyaan Maareeyaha Hay’adda waddooyinka Soamliland iyo saraakiil kale oo wasaaradaasi ka tirsan ayaa Kormeeray Waddada isku xidha magaalooyinka Hargeysa iyo kala-baydh oo manta lagu Bilaabay Dib u dhis iyo dayactir Wasaarada Hawlaha Guud ku samayn doonto Wadaddaasi oo dherarkeedu dhan yahay 64 km.

Ugu Horayn Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka Soamliland Mudane Ibraahim Siciid Cilmi ayaa Faahfaahiyay Waddan dayactirka lagu samayn doono iyo mudada ay socon doonto, wuxuuna ka warbixiyey in jidkan ay usoo wadaan mashruuc dib loogu abuurayo laakiin tan maanta ay tahay dhiig joojin ama dib uhabeyn.

Wasiirka Hawlaha Guud ee Soamliland Cali Xasan Maxamed oo ka hadlay Goobta shaqadu ka socotay ayaa Isna ka xogwaray Muhiimadda ay leedahay dayactirka waddadani, wuxuuna ka waramey in dadka iyo gwaadhiduba dhib weyn ku qabi jireen, wuxuuna ugu bushaareeyey in maanta wixii ka danbeeya ka reysan doonaan.

Wasiir Cali Xasan Maxamed waxa uu dhinaca kale sheegay in waddada Ceerigaabo dhismaheedu meel fiican marayo haddana la sii dardar gelin doono. wuxuuna tilmaamay in jid cadihii iswada gaadhaay In Af-madoobe ilaa Ceerogaabo oo aanay jirin meel ay ka kala go’antahay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here