Wasiir Qabyo-tire Oo Diyaarsaday Xadhkihii Uu Kaga Goosan Lahaa Xisbiga Kulmiye Iyo Kulan Doceedyo Fashiliyey Is-casilaadiisa

0
546

Wararkii u danbeeyey ee laga helayo Ardaaga Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland Maxamed Ibraahim Qabo ayaa sheegaya in uu diyaarsaday xadhkihii uu xukuumada iyo xisbiga Kulmiye kaga goosan lahaa isaga oo dareensan hoos u dhac siyaasadeed oo ku yimi saamayntii uu ku lahaa gudaha bulshada uu ka soo jeedo iyo guud ahaan fagaaraha siyaasadda.

Ergo odayaal ah oo dhankiisa ka socda ayaa sheegaya in ay kulan doceed la yeesheen Murashax Muuse Biixi iyaga oo xaraarada ku soo kordhinaya dhaq dhaqaaqa masuulkan isla markaana dadka dareen siiyey in Qabo uu dudmo kaga maqan yahay golaha Wasiirada iyo xisbiga uu ka tirsan yahay ee Kulmiye.

Dhaq dhaqaaqa is-casilaada Wasiirka Qorshaynta ayaa la dareemay tan iyo intii uu ku dhawaaqay in uu tartamayo jagada Gudomiyaha xisbiga Kulmiye taasi oo ahayn qorshe dhabar taabad ah oo aanu niyad ka ahayn taageerada xisbiga Kulmiye.

Warar kale ayaa sheegaya In wasiirku uu ka didsan yahay xubno ay isku beel yihiin oo kaga miisaan roonaaday taageerada shacabka iyo saamaynta ay ku leeyihin deegaanka ay ka soo jeedaan ee gobolka Hawd iyo Axmed Dhagax iyada oo wakhtgan lagu jiro xiliyadii ay kala bixi jireen siyaasiga baclaha iyo labeenta shacabka wata.

Maxamed Ibraahim Qabyo-tire waxa la sheegayaa in uu noqonayo murashaxa Madaxweyne ku xigeenka xisbiga mucaaradka ah ee UCID isaga oo markii hore ahaa kaaliye fir fir coon oo Eng-ka ka hoos shaqeeya isla markaana lagu bartay xisbiga mucaaradka ah ee UCID.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here