Hogaamiye Xirsi Oo Dawarsadayaal Daasado Loo Garaaco Ku Tilmaamay Dadka Ku Nool Dabaqada Hoose Reer Waddani-na Mar Kale Ka Lumiyey Codka Shacabka

0
447

Hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa qudbad uu xaflad xisbigiisu lahaa uu ka jeediyey waxa uu  mar kale ku dhex galay dhiiqo siyaasadeed oo aan ka soo kabasho lahayn isaga oo dawarsadayaal dhaameel raac ah ku tilmaamay dadka masaakiinta ah eek u nool nolosha dabaqada hoose ama danyarta ah isaga oo doonaya in uu hab siyaasadeed ah u weeraro xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye.

Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa dawarsadayaal Kulmiye ku shaqaysto ku tilmaamay dadka danyarta ah waxaana isaga oo hab xeelad ah shacabka ugu diganaya kuna faanaya hantidii uu madaxtooyada ka urursaday uu yidhi.  “Kulmiye mawjadaha xisbiga waddani imanaya waxa uu kaga jawaabaa sidaan hore u tilmaamay in uu laba qof lacag siiyo aan ku tilmaamay buul hunguriga siyaasadda ku tilmaamay buulasha hunguriga ah ee meelahaa laga sameeyo oo dadka masaakiinta ah wax ku doonaan kuna dawarsadaan kolba laba qof ayaa wax loogu tuuraa oo lacag lagu siiyaa.”

Xirsi Cali ayaa sidoo kale afkiisa ka qiray in xisbiga Kulmiye yahay xisbi sal balaadhan oo qorshihiisa dhisan yahay balse xisbiga Waddani uu yaha mid madhan oo buux buuxin iyo camiraad u baahan  “ Kulmiye wuu buuxaa oo waa camiran yahay Waddani se waa banana yahay madhan yahay oo wuu idiin baahan yahay ee ku soo dhawaadaan inaad bar barka ka joogtaan oo aad nala dhistaan Kulmiye isaga golihiisa iyo xukuumadu way iskugu fadhidaa kuwo la bedelayo iyo kuwo imanaya la garan mayo” Ayuu yidhi Wasiirkii hore ee Madaxtooyadu.

Hadalka Xirsi Cali Xaaji Xasan ka soo yeedhay ayuu mar kale dhiiqo siyaasadeed ku dhex galiyey xisbiga Waddani ee uu ka tirsan yahay iyo siyaasadiisa faanka fagaaraha iskugu soo biyo shubatay.

dhinaca kale Xirsi Cali ayaa meel kaga dhacay sharafta iyo milgaha nolosha dadka ku nool dabaqada hoose ee aan waxba haysan kuwaasi oo uu ku sheegay dad maalinba meel ka soo dawarsada oo xisbiga kumiye ku shaqaysto waxaana hadalkani niyad jab iyo colad cuqdad ah ku beerayaa dadka qalbiga xariirta ka ah ee samirkoodu qaranku ku dhisan yahay balse hogaamiye Xirsi ku sheegay dawarsadayaasha.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here