Wasiiru-dawlaha Amniga ee wasaaradda arimaha gudaha Somaliland ayaa markii u horaysay ka hadlay shir Maamulka Xamar shaaciyey in u buuhoodle ku qabanayo kaasi oo ka dhan ah Somaliland isla markaana lagu soo dooranayo Madaxweyne Faaliso ah oo lagu bedelayo Cali Khaliif Galaydh.
Maxamed Muuse Diiriye Wasiirudawlaha Arimaha Gudaha Somaliland oo warbaahinta la hadlay waxa uu sheegay in ay soo dhawaynayaan ninka awood u leh in uu soo cago dhigto dhul Qaranka Somaliland ka tirsan isla markaana uu ku qabto Shir wadanka ka dhan ah waxaana uu yidhi isaga oo ka hadlaya.“Buuhoodle waa meel ka mid ah Somaliland Ninka shirkaasi ku qabo is yidhaahdaana wuu arki doonaa waxa kala kulma sababtoo ah marna u ogolaan mayno wax Somaliwayn ka socda in ay dalkayaga cadho soo dhigaan Somaliland waa dal jira wuu jiri jiray wuuna jiri doonaa markaa ninka ku hadaaqaya isaga oo xamar jooga halkaasi ayaanu shir ku qabanay kaalay walaal ku qabo weeye soo dhawoow ayaanu ku leenahay bal aanu ku aragnee afka ayey ka tidhiyee bal hada ficilna raaci.”
Sidoo kale Wasiiru-dawlaha Arimaha Gudaha Somaliland waxa uu sheegay in sadexda xisbi laga rabo in ay la hadlaan shacabka isla markaana mid kastaaba dadkiisa u sheego in aan arintan loo dul qaadan Karin isla markaana ay ka baxsan tahay dhaqanka iyo jiritaanka Somaliland waxaana uu yidhi. “Runtii waa dhacdo fool xun waa dhacdooyin aynaan u baran oo ina soo marin waxaan madaxda xisbiyada leeyahay ku dadaala inaad dadkiina wax u sheegtaan wuxu doorasho tahay doorashadana tartan tahay doorasho waa ciyaaraha oo kale oo laba kooxood oo ciyaaraya Somaliland intii doorasho ee ka dhacday waad garanaysaan wanaageeda iyo mid walba sidii looga baxay waad garanaysaan markaa madaxda xisbiyada waxaan leeyahay dadkooda ha u sheegaan inaan waxaasi dhaqan ahayn dadka waxaas samaynaya ee doonaya in ay talaabooyinkaa foosha xun ku dhaqaqaan dowladu indho dheer ayey u leedahay hadana dad aanu haynaa way jirtaa kuwa kale ee liiskooda aanu haynana waanu qab qabanaynaa talaabo sharci ah oo adag ayaanu ka qaadaynaa waxad moodaa in layna soo galay oo dadkale dadkeenii adeegsanayo” Ayuu yidhi Wasiiru-dawlaha Amniga ee wasaaradda arimaha gudaha Somaliland oo ka hadlayey xiisada deegaanka Ceelafwayn ka jirta.
Buuhoodle ayaa laga wadaa dhaq dhaqaaqa qabashada shirweyne ka dhan ah Somaliland isla markaana lagu doonayo in lagu cumaamado Madaxweyne faaliso ah oo Dawlada Somaliya bedel uga dhigayso madaxweynaha Maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galaydh oo wada-hadal toos ah la galay xukuumada Somaliland.