Wasiir Cukuse Oo Si Dadban U Sheegay Kooxda Maal-galinaysa Dagaalka Hurinta Colaada Ceelafwayn Iyo Masuuliyadda Caruurta Agoonta Noqotay Cida Loo Xanbaarinayo

0
330

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse oo bahda warbaahinta la hadlay waxa uu si dadban u sheegay in qurba-jooga deegaanka Ceel-afweyn ka soo jeedaa ay qayb laxaadle ka yihiin hurinta iyo dhiiri galinta dhiig daadashada deegaankaasi ka socota isla markaana ay iyagu maal galiyaan rasaasta iyo qoryaha ay tuurta ku sitaan maleeshiyada labada beelood ee dagaalku dhex maray.

Wasiir Cukuse waxa uu danbiga laga galay Ilmaha ku agoomoobay colaadaasi uu dusha u saaray Qolada Qurba-jooga ee hantida badan ku bixinaya colaada halkaasi ka socota isla markaana ku dhiiri galinaya Ninka Maleeshiyada ah ee qoriga sita in uu Laabta ku garaacdo reerkiisa dadkana ku laayo qabyaalad iyo reernimo

Ugu horayn wasiirka Xanaanada xooluhu waxa uu baaq nabadeed oo nastexo dawladeed ah u diray labada beelood ee halkaasi ku dagaalamaya waxaana uu xasuusiyey dhibta ay aakhiro iyo aduunkaba leedahay colaada iyo dhiiga la daadinayo waxaana uu yidhi. “kuwa ay dirirtu dhex marayso waxa aan uga yeedhaynaa waar cadhada ilaahay ka fogaada iska daaya dhiiga daadanaya ee aad maalin walba kicinaysaan ee xamaasada cusub aad ku kicinaysaan ee ficilka yare e aan waxba ahayn ee aniga ayaa kaa mudan iyo adiga ayaan kaa mudanahay ku dhimanaysaan iska daaya”  Ayuu yidhi Cukuse.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xooluhu waxa uu dhawaaq dheer hawada u mariyey dadka Qurba-jooga ah ee xiisaha u qaba maqalka Dhimashada iyo Dhaawaca deegaankaasi isla markaana lacagaha badan ku bixinaya sii socodka iyo balaadhinta dagaalka iyo dirirta halkaasi ka socota waxaana uu yidhi. “Qolada kale ee aan ka hadlayo waxa weeye qolada dibada ku nool dadka qurbaha ku nool ee gaar ahaan deegaankaa ka soo jeeda ee labada dhinac ee is haya si gaar ah uga soo jeeda waar haka qayb qaadanin oo dhiiga ha dhiiri galin oo maalka yar ee aad heshay inta aad soo dirto hakaga qayb qaadanin ILLAAHAYna waad kaga fogaanaysaa adigana waa wax kugu soo noqon doona waana cuqubo adiga iyo ubadkaaga u taala dhiiga aad daadinayo iyo ubadka aad aabayaashood gacantaada ku laynayso ee aad dilayso marka aad shilin ku bixiso dhiiri galinta dadaalka waxa aad qayb ka tahay oo waliba ka xun tahay ka rasaasta ridaya” Ayuu yidhi wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse oo ka hadlayey colaada deegaanka Ceel-afweyn ka soo cusboonaatay oo dhimasho iyo dhaawac ay ka dhalatay.

Go’aamo dhaar ku lamaan tahay iyo axdiyo kala duwan ayaa laga soo saaray colaada u dhaxaysa beelaha ood wadaagta ah ee wada degan deegaanka Ceel-afweyn kuwaasi oo marar kala duwan ay dirir colaadeed dhex martay taasi oo sababtay dhimashada Aabayaal iyo dhalinyaro tiro badan oo ku dhintay colaada laabta layskugu garaacayo reer heben-nimada iyo Qabyaalada aan salka balaadhan ku fadhiyin.

Shacabka ayaa u dheg taagaya waxa uu noqon doona go’aamada doorkan lagu kala xanuujiyo kooxaha maleeshiyada ah ee labada dhan hubka u kala sita isla markaana sababaya colaadaha dhiig daadashada ah ee halkaasi ka socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here