Madaxweynaha Turkiga Oo Khaliijka Carabta U Tagay Xiisadda Qadar Go’doomisay

0
463

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in cidna ayna dan ugu jirin inay daba dheeraadaan xasaradaha u dhaxeeya Qadar iyo dalalka deriska la ah, isagoo booqasho labo maalmood qaadaneysa Shalay ugu ambabaxay gobolka.

Madaxweyne Erdogan ayaa ugu horreyn booqan doona dalalka Sacuudi Carabiya, Kuweyt kaddibna Qadar isagoo isku dayaya inuu xalliyo khilaafkaas.

Bishii June, dalalka Sacuudi Carabiya, Isu tagga Imaaraadka Carabta, Baxrayn iyo Masar ayaa xidhiidhka u jaray Qadar, iyagoo ku eedeeyay inay taageerto argagixisada ayna xidhiidh la leedahay Iiraan, Qadar ayaase dhankeeda beenisay inay gargaarto urur argagixiso.

Cunaqabateyn ay saareen afarta dal, ayaa ku kallifay Qadar oo shidaalka qani ku ah inay cunto ku soo dhoofsato badda iyo cirka si ay u haqab-tirto baahida bulshadeeda oo dhan 2.7 milyan.

Madaxweyne Erdogan ayaa ku eedeeyay cadow aanu magacaabin inay hurinayaan xiisadda walaalaha gobolka.

Turkiga ayaa xarun milatari ku leh gudaha Qadar wuxuuna u arkaa inay tahay saaxiib muhiim ah oo gobolka ka tirsan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here