Golaha Wakiiladda Oo Daraasad Ku Soo Bandhigaya Hantida U Qarsoon Xubnaha Kursiga Qasriga Ku Loolamaya Iyo Sadexda Murashax Oo Hantidooda La Diiwaangalinayo

0
361

Gudida Ilaalinta Dabagalka Hantida Qaranka ee golaha Wakiilada Somaliland ayaa diyaarinaysa qorshe lagu diiwaangalinayo hantida rasmiga ah ee ay leeyihiin Murashaxyada sadexda kala hogaaminaya ee ku loolamaya doorashada Madaxtooyada Somaliland dhamaadka sanadkan.

Gudoomiyaha Gudidaasi Xildhibaan Naasir Cali Shire isla markaana ah mudane Ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa shaaca ka qaaday in iyaga iyo Komishanka oo is kaashanayaa ay samaynayaan diiwaangalin rasmi ah oo la xidhiidha hantida gaarka ah Murashaxyada u tartamaya Madaxweynaha iyo ku xigeenka Somaliland.

Ugu horayn Xildhibaan Naasir Cali Shire ayaa sheegay in ay wasaaradda Maaliyadda kala hadlayaan sidii xayiraad rasmi ah loo saari lahaa badi dhaq dhaqaaqa dawlada gaar ahaan iibinta Hantida Qaranka iyo kharashaada ka baxaya Khasnada dawlada ilaa iyo inta doorashada la qabanayo waxaana uu yidhi. “Runtii waxaanu soo jeedinaynaa in xayiraad la saaro mudada qabashada doorashada ka hadhay Iibinta ama bixinta Hantida Qaranka ama dhul ama goobo kale waxaanan is leenahay lacagtu hadii ay gaadhayso xadi in iyada lafteeda la hakiyo mudadaa sadexda bilood ah qorshayaal ayaa noo yaala runtii Wasaaradda Maaliyadda ka hordhici mayno.”

Sidoo kale Gudoomiye Xildhibaan Naasir Cali Shire  waxa uu shaaciyey in wadaan qorshaha Diiwaangalinta sadexda Murashax iyo ku xigeenadooda hantida ay gaarka u leeyihiin waxaana uu yidhi. “ arintaasi runtii waxaanu laba jeer kala kulanay Komishanka doorashooyinka Qaranka si fiican ayaanu iskula af garanay sanadkan in ay ka duwanaato labadii jeer ee hore ee la doortay labadii doorasho ee Madaxweyne-nimo ee ka dhacday tan sadexaad waxaanu doonaynaa in ay ka duwanaato waxaanu doonaynaa in la diiwaangaliyo hantida ay leeyihiin Madaxweynaha iyo Madaxweyne  ku xigeenka qarankan u soo socda taana waxa sii cadaynaya maaha wax gudi ay wadato iyo wax cid gaar ahi wataan mana aha wax dan gaar ah laga leeyahay waxa si cad u qexaya qodobka 82-aad ee dastuurka jamhuriyada Somaliland faqradiisa 9-aad waxa ay si cad u sheegaysaa in la diiwaangaliyo Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka hantidiisa taasina waxa ay yaraynaysaa ama soo koobaysaa Musuq Maasuqa xadigiisa oo markaa ninka Madaxweynaha ahi la og yahay hantida uu Madaxtooyada la soo galay marka uu ka baxayna la og yahay waxa uu kala baxay taas ayaa markaa toosinaysa Mustaqbalka Qarankan.” Ayuu yidhi Xildhibaan Naasir Cali Shire oo ah gudoomiyaha gudida Ilaalinta Hantida Qaranka iyo dabagalka Musuq Maasuqa.

Waa markii u horaysay ee Golaha Wakiilada Somaliland shaaca ka qaadaan in la diiwaangalinayo hantida ay gaarka u leeyihiin Murashaxiinta ku tartamaya doorashada Madaxtooyada Somaliland taasi oo ah qorshe aan hore u jirn doorashooyinkii hore uga dhacay Somaliland sidoo kale kama hadal arintani xubnaha Murashaxyada ah ee sadexda xisbi u safanaya doorashada la filayo in ay dhamaadka sanadkan wadanka ka dhacdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here