Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Xilkii Ka Qaaday Guddoomiyihii Degmada Dhoqoshay

0
422

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa wareegto uu soo saaray xilkii kaga qaaday Guddoomiyihii Degmada Dhoqoshay.

Warka Xil ka qaadista Guddoomiyaha Degmada Dhoqoshay Md. Maxamuud Xasan Saleebaan (Doob), ayaa Wargeyska Himilo ka helay ilo lagu kalsoon yahay.

Waxa kale, oo warkani sheegayaa in Wasiirku Arrimaha Guduhu Md Faratoon saxeexay warqada xilka qaadista, haseyeeshe si toosa loo shaacin doono Axadda Maanta, iyadoo lagu lifaaqi doono masuulkii lagu beddelay ee loo magacaabay degmada.

Illaa hadda lama waxa sababay in Xilka laga qaado Guddoomiyaha Degmada Dhoqoshay, inkasta oo uu Xilku meerto yahay oo hadba loo dhiibayo Ciddii hanan karta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here