114 Qof Soomaali Ah Oo Muddo U Xidhnaa Dawladda Itoobiya Oo Muqdisho Laga Soo Dajiyey

0
451

Waxa Shalay Garoonka diyaaradaha Aadan-cadde ee magaalada Muqdisho laga soo dejiyay 114 xubnood oo kamid ahaa maxaabiis Soomaali ah oo muddo ku xidhnaa Xabsiyada Dalka Itoobiya.

Maxaabiistan lasoo daayay waxa safarkooda ku wehelinayay Danjiraha Soomaaliya ee Itoobiya fadhiya Maxamed Cali Nuur iyo Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya jooga Jamaaluddiin Mustafa.

Waxa garoonka dayuuradaha ku soo dhaweeyay wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar, xildhibaanno iyo qaar kamid ah ehelada dadkan lasoo daayay.

“Waxaan dowladda ku ammaanayaa sida ay noogu naxariisatay, waxaan Alle ka baryayaa in dowladda awood leh uu nasiiyo”, mid ka mid ah dhallinyaradii Shalay garoonka laga soo dejiyay ayaa Saxaafadda u sheegay.

Waxa wali ku hadhsan dalkaasi 6 ka mid ah maxaabiista la ogolaaaday inay xorriyaddooda dib u helaan kuwaas oo la sheegay in dhawaan iyaguna dalka soo gaadhi doonaan.

Horraantii bishii July ee sanadkan Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in xukuumadda Itoobiya ay u ballanqaadday inay ku wareejinayso maxaabiis Soomaali ah oo 120 ka badan, kuwaasoo dalkeeda ku xidhnaa, loona haystay dambiyo kala duwan.

Ra’iisul xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa hadalkaasi sheegay xilli uu ku sugnaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxaana uu caddeeyay inay ku guuleysteen in Itoobiya ka soo daayaan 120 maxaabiis Soomaali ah.

‘’Waxaan ku guuleysanay inay Itoobiya nagu wareejiso 120 maxabiis Soomaali ah iyadoo fulinaysa heshiiskii ay Soomaaliya la gashay”, ayuu yidhi Ra’iisul wasaaraha oo hadlayey bishan Horraanteedii.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here