Maayarka Boorama Oo Xabsiga Dhigay Ganacsatada Jaadka Oo Diiday Cashuuro Lagu Kordhiyey

0
332

Ciidamada Booliska ee Boorama ayaa manta xabsiga u taxaabay qaar ka mid ah ganacsatada qaadka ee magaalada Boorama, sidana waxa warbaahinta u xaqiijiyay mid ka mid ah ganacsatadan Jaadka ee la xidhay oo magaciisa la yidhaa Maxamuud Cilmi Gaafane kaasi oo khadka taleefanka nagula soo xidhiidhay.

“Waxa aan ku xidhanahay 7 ganacsatada Jaadka ee Magaalada Boorama ah, dhamaantayo waxa na soo xidhay Maayarka Boorama, anaga oo shaqaysanayna oo hawl ku jirna ayaa ciidanku na soo duubeen, si anshaxa ka baxsana waa la noo soo xidhay, waxana la leeyahay waxa aad u xidhan tihiin arin la xidhiidha cashuuro Qaadlayda ku waajibay. Ayuu

yidhi Maxamuud

Isaga oo hadalka sii wata ayaa waxa uu Meesha ka saaray in ay jirto cashuur ku baaqata ganacsatada Qaadka oo ay bixin wayday waxana uu yidhi “Ma jirto wax cashuur ah oo nagu baaqata oo aan bixin waynay, waxa aan nahay muwaadiniin cashuur bixiyayaal ah, waan bixinaa, lacagtii cashuurta ee maaliyada, waan bixinaa lacagtii xashiishka ee Dawlada hoose, xitaa waxa aan bixinaa lacag kale oo dhan 7000 kun oo shilin oo miis walba ay dawlada hoose dhawaan ku soo rogtay, sidaas darted ma jirto wax cashuur ah oo nagu baaqatay, waxana aan u aragnaa Marmarsiiyo lagu xumaynayo sumcadayada iyo ganacsigayaga hawsha cashuur diidka ah ee ay leedahay D/hoose waxa aan u xidhxidhnay Ganacsatadan Qaadka.

Ma jirto wax war ah oo kus aabsan xadhiga ganacsatadan oo ka soo baxay dhinaca D/Hoose ee Boorama, waxase xusid mudan in kal hore cashuuro ay ku soo rogtay D/Hoose ee Boorama, ganacsatada Jaadka ay sababeen Mudaharaado xidhiidh ah oo Amniga Khalkhal galiyay, balse markii dambe xal laga gaadhay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here