Wasiir Cali Mareexaan Oo Badka Keenay Sir Ay Xisbiga WADDANI BURCO Kaga Soo Saareen Oo Hogaanka WADDANI Xamilikariwaayey Kaaheeda

0
388

Wasiirka Hawlaha Guud,gaadiidka iyo Guryeynta  Cali xassan Maxamed (Cali Mareexaan) ayaa farta ku fiiqay in xisbiga WADDANI yahay xisbiga bilaabay ololaha isla markaana xamiliwaayey kaahii uu ku shiday xisbiga KULMIYE taas oo sabab u noqotay in xisbiga WADDANI xamamtiisa ka soo uruursado magaalada burco oo nafla caarina ku soo galo hargeysa” wax yar uun baan idiin sheegayaaye markii aan gobolada bari mareynay sirtii yareyd ee aanu qolada WADDANI kaga soo amba bixinay uun baan idiin sheegayaa sow kubada aad uma wadataqaaniin marka tiimka weerarada lagu badiyo difaacaa khal-khala sow maaha difaacii baa markii dambe khal-khalay markii dambe ilaa gool hayahayagii baa ilaa markii dambe dhaliyey markaa hargeysa maxaa laga rabaa farsamadaa inaad ku dhaqantaan baa la doonayaa difaacoodu wuu khal-khalsan yahaye weerarada uun usii badiya

Wasiir cali mareexaan ayaa badka keenay sir ay kulaylkeeda xamiliwaayeen hogaanka waddani oo ay deegaanadii bariga kaga soo sareen sidoo kale wuxuu wasiir cali mareexaan sheegay in xisbiga waddani iyagu bilaabeen daan-daansi siyaasadeed oo ay makii dambena u adkaysan waayeen.

Wasiirka hawlaha guud, gaadiidka iyo guryeynta ayaa banjariyey olole aan dadwedan oo xisbiga waddani geedaha la layey cidla madhana wax usheegayey wuxuuna lingaxa u adkeeyey in la guusha xisbiga kulmiye cadahay oo aaney xisbiyada mucaaradku iska celin kari cududa kulmiye.

Sidoo kale wuxuu wasiir Cali Xassan Maxamed ugu baaqay tiro yar oo xisbiga ka maqan inay soo raacaan xisbiga guusha ee kulmiye wuxuuna shacbi weynaha Somaliland usheegay inay ilaashtaan kaadhkooda codbixinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here