Siyaasi Cali xoor-xoor Ex Maareeyihii hore ee marsada berbera ayaa dhayda ka cadeeyey isla markaana ka badheedhay taageeradiisa siyaasiga ah iyo murashaxa uu codkiisa siinayo siyaasigan oo muddooyinkii u dambeeyey ka maqnaa saaxada siyaasada ayaa socdaalkii weftiga KULMIYE ka dhex hilaacay isla markaana ku goodiyey cida uu dhisayo. Cali xoor-xoor oo markii hore xogo hoose tibaaxayeen in aan wali la fasiri Karin xisbiga uu la socdo maadaama xisbigiisii UDUB uu saaxada siyaasada weydaartay ayaa badheedhihiisa ka dhiibtay inuu dhisayo Murashaxa KULMIYE Muuse Biixi Cabdi wuxuuna ugu baaqay bulsho weynta ku dhaqan deegaanada sheikh, berbera, Abdaal, Hudisa,Dacarbudhuq, iyo deegaanada teedsan Sheekh ilaa Hargeysa inay codkooda ugu hiiliyaan murashaxa kulmiye isla markaana uu ku og-yahay Calanka kulmiye wuxuuna yidhi. “ horta waxaa inoo balana inaynu doorasho xorah oo xalal ah galno oo caafimaad qabta inaguna waxaynu dooranaynaa insha allahu Muuse Biixi weynu soo saaraynaa insha allah ilaahayna wuu soo saarayaa codkeena Murshaxa aynu siinaynaa sow Muuse Biixi Maaha waxaan idinku ogahay inaynu ilaashano kaadhadhkeena oo aan laydin sirin rag inay iibsadaan u diyaar garoobay baa jira markaa aynu iska ilaalino waxaa inoo balana maalinta foodka iyo codka oo aynu siino Muuse Biixi madaxweynaha mustaqbalka” hadaladan ka soo yeedhay siyaasi cali xoor-xoor Ex Maareeyihii hore ee dekada berbera ayaa muujiyey inuu si weyn ula dhacsan yahay taageerida murashaxa kulmiye Muuse Biixi isla markaana uu codkiisa iyo shacabka deegaanada uu abtirsiin ahaan ka soo jeeda ay ula diyaar yihiin inay qalbi furnan ugu codeeyaan xisbiga kulmiye taas oo rajo weyn galisay murashaxa xisbiga kulmiye oo markii hore shaki kaga jiray inaanu la socon waxana dhawaaqa cali xoor-xoor noqdey mid yididiilo galiyey reer KULMIYE.