Siyaasiyiin Ka Soo Jeeda Beelaha Sacad Muuse Oo Bari Ka Dhex Doobyidoona Xisbiga WADDANI iyo Soodhaweyntooda Oo Hargeysa Isqoorsatay

0
343

Caasimada hargeysa ayaa si weyn looga dareemayaa qaban-qaabada xaflada soodhaweynta siyaasiyiin tunweyn oo xisbiga WADDANI ku biiraya maalinta khamiista ee inagu soo aadan, soodhaweynta masuuliyiintan oo mushxarada lagu soo xerogalinayo isqoorsatay hargeysa ayaa dhaweeqeedu isku kala bixiyey xerada xisbiga WADDANI.

 Masuuliyiintan oo iskugu jira siyaasiyiin darajadoodu gaadhay heer wasiir oo xukuumadihii xukunka dalka u kala dambeeyey ayaa ka mid noqdey tareenka xisbiga WADDANi ku duulayo kaambaynka doorashada. Masuuliyiintan ayaa ugu cad-cad yihiin siyaasi ismaaciil yare oo xukuumadii cahdihii UDUB ahaa wasiirka arrimaha gudaha markii la furay ururada siyaasadana noqdey hogaamiyihii ururkii DALSAN ee ku  hadhay madaxtirsigii golaha deegaanka, sidoo kale isna waxaa tareenkan dhanka WADDANI u dhaqaaqay  shoofeer ka ah siyaasi abiib timo-cad oo isna gaadhay darajada wasiir xilal kala duwana ka soo qabtay xukuumadihii talada dalka u kala dambeeyey isagoo  markii ugu dambaysayna ka mid ahaa xukuumadda Madaxweyne siilaanyo ka hor intaanu iska casilin xilka wasiirnimo. Xubnahan ayaa waxaa wehelinaya, maareeyihii hore ee wakaalada biyaha hargeysa ibraahin siyaad yoonis, safiirkii hore ee Somaliland u fadhiyey dalka ingiriiska iyo xulufo kale oo tiro badan.

Siyaasiyiintan ka badheedhay hankooda isla markaana iska xaadiriyey xisbiga waddani ayaa dhamaantood ku abtirsada beesha SACAD MUUSE oo ka soo jeedo Murashaxa KULMIYE. Waxaana soo dhaweyntoodu wax badan ka badeli doontaa jawiga siyaasadeed ee xisbiyada dalka gaar ahaana gobolada Maroodijeex iyo Gabiley oo ay ku abtirsadaan siyaasiyiintan miishaarta afeystay taas oo ay ka dagaal galidoonan jiidahaa is barkan ee labada gobol.

Dhanka kale waxaa xararada siyaasadeed ee dalku galay mid adag oo laysku badheedhayo in xisbi waliba cududiisa muujiyo.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here