Waxaa jira warar sheegaya in milatari iyo booliis loo daad-gureeyay qaybo ka mid ah Gobolka Oromada ee dalka Itoobiya, ka dib markii ay halkaas ka dhaceen mudaaharaadyo lagu diidan yahay cashuuro cusub oo dhawaan lagu soo rogay ganacsatada.
Wargayska Addis Standard ayaa sheegay in dadka deggan magaalada Ambo ay todobaadkii hore waxyeelo u gaysteen labo gaadhi oo ay dawladdu leedahay toddobaadkanna ay magaalooyinka kale billaabeen in ay ganacsiyada xidhaan iyaga oo mudaaharaadaya.
Cashuurtan cusub ayaa la saaray ganacsiyada yaryar ee sannadkii soo saara in ka badan 100,000 birr ama 4,300 oo doolar, arrintaas oo ah dadaal ay dawladdu ku doonayso in ay ku hesho dhaqaale ay aad ugu baahan tahay.
Laakiin, Wargeyska Addis Standard ayaa ku warramay in mulkiileyaasha ganacsiyadu ay sheegeen in dadkii qiimaynayay cashuurtu ay ka badbadiyeen ayna cashuur xad-dhaaf ah dalbadeen.
Wargaysku wuxuu soo xigtay gabadh timo jare ah (Raysle ah) oo laga dalbaday in ay bixiso 400 oo doolar taas oo aan ka yarayn waxa ay sannadka oo dhan hesho.
Dawladdu waxay sheegtay in uu jiro is faham-darro ku aadan cashuurah ayna isku dayeyso in ay wax ka qabato arrintaas.
Sannadkii hore gobolka Oromada ee dalka Itoobiya waxaa ka dhacay mudaaharaadyo badan oo dawladda lagaga soo horjeeday, kuwaas oo horseeday in dalka lagu soo rogo xaalad deg-deg ah.