“Markaynu Helno Somaliland la Wada leeyahay, waa Macquul in Natiijo laga gaadho Wadahadalka Soomaaliya..” Cali Khaliif Galaydh

0
436

Hoggaamiyaha Khaatumo Cali Khaliif Galaydh, ayaa sheegay inaanay marnaba is-faham ku dhammaan doonin wadahadallada u dhexeeya dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, haddii aan wax laga beddelin sida loo waajaaho.Inkasta oo laga soo bilaabo 2015-kii aanay socon oo ay hakad ku jireen wadahadallada sannadihii 2012 illaa 14 u socday Somaliland iyo Soomaaliya, markastana ay labada dhinac sheegaan inay dib u bilaabi doonaan, balse aan weli lagu guulaysan, haddana waxa uu Cali Khaliif Galaydh sheegay, in haddii xataa shanta sano ee soo socda uu sii socdo wadahadalkaasi aanay natiijo ka imanayn, illaa loo wadahadlo Koonfur iyo Waqooyi oo marka horeba qorshaha wadahadalku ku salaysnaa, balse dawladdii Xasan Sheekh Maxamuud geesteeda wax ka beddeshay markii Guddigii u dambeeyey ee ka socda Soomaaliya lagu daray Xubno u dhashay gobollada Somaliland, kuwaas oo sabab u ahaa fadhigii u dambeeyey ee la isku khilaafay ama lagu kala kacay 1-da bishii Maarso 2015-kii.

“Haddii ay wax dhalayso Koonfur iyo Somaliland baa wadahadlaya mar hore ayay dhali lahayd, Shan sano oo kale haddii lagu noqnoqdo Turkiga waxba ma imaanayaan. Laakiin-se marka loo wadahadlo Waqooyi iyo Koonfur waxa laga yaabaa in la isku fahmo wadahadal, markaan helno Somaliland oo la wada leeyahay oo aan cidna cidda kale ka xigin, awoodna ugu sheegan, waa macquul in natiijo laga gaadho wadahadallada Soomaaliya.” Sidaa ayuu yidhi Cali Khaliif Galaydh.

Dawladda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegtay in mar walba ay ka go’an tahay in miiska wadahadalka ay la fadhiisato Somaliland oo Dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya gaar uga taagnayd tan iyo 1991-kii, markii ay burburtay dawladdii Millateriga ahayd ka dib. Inkasta oo ay wada shaqayn iyo xidhiidh fiicani ka dhexeeyo in badan oo Dawladaha Dunida ka tirsan, haddana weli Somaliland may helin aqoonsi Caalami ah, waxaanu Caalamku Shuruud kaga dhigay inay Somaliland iyo Soomaaliya iyagu wadahadlaan, isla markaana wixii ay ku heshiiyaan wada-joogis iyo kala-go’is-ba loo tixgelin doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here