Booliiska Degmada Sheekh Oo Khaati Ka Taagan Taageerayaal Calamada Xisbigooda La Dhex Yaaca Soo Dhaweynta Xisbiyada Kale

0
536

Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Sheekh Cabdi Cartan Xaaji Abokor iyo Taliyaha Booliska ee Degmadaasi, ayaa si wada jir ah uga hadlay Warar sheegaya in la xidh-xidhay Taageerayaal ka mid ah Xisbiga WADDANI xilli uu halkaa doraad soo dhaweyn loogu sameeyay Guddoomiyaha KULMIYE oo dhanka Burco ka yimid.

Taliyaha Booliiska Degmada Sheekh iyo Maayar ku-xigeenka Degmadaasi, ayaa sheegay in aanay jirin Dad Calanka WADDANI sitay oo la xidh-xidhay, laakiin Mushkiladi ka taagan tahay Dad Dano gaar ah leh oo marka Degmada lagu soo dhaweynayo Xisbi aan ahayn ka taageersan yihiin la dhex yaaca Calamada Xisbigooda, marka taasi dhacdana ay Booliisku ku khasban yihiin inay yidhaahdaan “Ka daaya’, si aan Nabadgalyadu u xumaanin.

Taliyaha Booliiska degmada Sheekh oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Wixii Khalkhal keenaya waalla qabanayaa, maalintii dhawayd markii la soo dhaweynayey WADDANI halkan (Sheekh) ayuu maray, Maantana waxa la soo dhaweynayaa KULMIYE (Doraad), markaa Qofka khalkhal abuuraya ee calankaa sita (Calanka WADDANI), haddaan Xisbigii (WADDANI) la soo dhaweynayn haddana Xisbigii kale (la soo dhaweynayey) calamo la soo dhex galaya, waar ka daaya ayaanu nidhi oo Calamada joojiya, laakiin Cidna maanaan qabanin, Cidna maanaan xidhin..”

Maayar ku-xigeenka Degmada Sheekh, Cabdi Cartan Xaaji Abokor oo isaguna Shirka Jaraa’id ka hadlay ayaa yidhi “Xisbiyada oo dhan waanu soo dhaweynaynaa, Nabadgalyadana Ciidanka Booliiskaa u xil-saaran,  Cid WADDANI ah oo la xidhayna ma jirto oo waakan Guddoomiyihii WADDANI ee (Sheekh) nala jooga.

Waxa laga yaabaa in Qofka Hunguri u jeedaa uu Calanka WADDANI soo qaato maalinta uu KULMIYE soo marayo Degmada Sheekh.”

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee Degmada Sheekh, Axmed Maxamed Caynaanshe oo qayb ka ahaa Shirka Jaraa’id ee Booliiska iyo Maamulka Degmadu wada qabteen, ayaa isaguna beeniyey in Taageerayaal WADDANI ah la xidh-xidhay, waxaanu yidhi “Waxaan ahay Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee degmada Sheekh, waxaan halkan ka caddaynayaa in aanay jirin Cid loo xidh-xidhay Calanka WADDANI (oo ay qaateen), mana ogolin in Guddoomiyaha KULMIYE oo ka imanaya Xagga Burco ay Dad calamada WADDANI la dhex yaacaan.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here