3 Hablood Oo Ku Guuleystay Tartan-Suugaaneed Qayb Ka Ahaa Dabbaal-deg Loo Sameeyay Lixdan Guurada Idaacadda BBC-da

0
358

Laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da ayaa Shalay ku dhawaaqday isla-markaana Abaal-marinno guddoonsiisay Saddex Hablood oo ku guulaystay Tartan Gabayada ah, kaasi oo ay ka qayb-galeen illaa 100 Hablood.

Tartankan oo qayb ka ahaa Xuska Lixdan Guurada ka soo wareegtay markii la aasaasay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da oo Shalay loogu Xafladeeyay Hargeysa, ayaa waxa ka qayb-galay 100 hablood oo dhamaantood Gabyaayo ah, waxaana ka soo baxay Saddex hablood oo ka kala yimid Magaalooyinka Hargeysa, Boosaaso oo Puntland ah iyo Gobolka Sanaag ee Somaliland.

Saddexda Hablood ayaa waxa Kaalinta koowaad u gashay Deeqa Nuux Yoonis oo ah gabadh 23 jir ah oo sannadkii labaad ee jaamacadda ku jirta, kaalinta labaad waxa gashay Shugri Jaamac Ibraahim oo ka socotay Magaalada Boosaaso, halka kaalinta Saddexaad ay ka gashay Farxiya Aadan Yuusuf

Tartanka suugaanta ayaa u furnaa in ay ka qeybgalaan dhammaan gabdhaha da’doodu ay u dhaxeyso 16-ka ilaa 35-ka, iyada oo aan lagu xidhin khibraddooda iyo halka ay ku nool yihiin, balse tartanka ayaa waxaa shuruud u ahaa oo keliya in gabeyga lagaga qeyb-galayo uu yahay mid gabadhu ay curisay oo ay iyadu leedahay.

Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, ayaa Saddexda Hablood ee tartankan ku soo baxay guddoonsiisay Shahaadooyin ka Tarjumayey guusha wixii lagu tartamayey iyo Abaal-marinno kale oo aan la shaacin.

Ugu dambayn, Lixdan Guurada ka soo wareegtay markii la aasaasay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da oo ku beegnayd 1957-kii, ayaa waxa Shalay loogu xafladeeyay Magaalada Hargeysa.

Xafladda waxa ka qayb-galay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirro, Weriyeyaal hore uga soo shaqeeyay Idaacadda BBC-da, Weriyeyaasha hadda ka shaqeeya BBC-da ee ka kala yimid London iyo Nairobi, Suugaanyahanno iyo Fannaaniin tiro badan, waxaana Xafladdaasi toos looga baahiyey Idaacaddii Galabnimo ee BBC-da, halka toos looga daawanayey Telefiishannada Soomaalida qaarkood.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here