Laba Dhallinyaro Ah Oo Ku Geeriyooday Rasaas Uu Riday Askari Ka Tirsan Booliiska Somaliland

0
487

Alle ha u naxariistee laba Wiil oo dhallinyaro ah ayaa Shalay Gelinkii dambe ku Geeriyooday Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, waxaana dhaawacmay mid kale, ka dib markii sida la sheegay ay ku dhacday Rasaas uu riday Askari Booliis ah.

Labada Dhallinyarada ah ee Geeriyooday iyo ka dhaawacmay, ayay ku dhacday Rasaas uu riday Askari ka tirsan Ciidammada Booliiska Xilli ay dhallinyaradu marayeen Xaafadda Cabbaaye ee Magaalada Hargeysa, sida ay Wargeyska Himilo u sheegeen Ehelada mid ka mid ah Dhallinyarada Geeriyootay, Wallow aanay kala caddayn in Askarigu uu Rasaasta ula qasdiyey Dhallinyarada iyo inuu Cid kale ku ridayey oo ay la kulantay.

Dhallinyarada Geeriyooday oo midkood Magaciisu yahay Guuleed Xuseen Guuleed isla-markaana da’diisa lagu sheegay 17 sano jir iyo ka kale ayaa Meydadkooda la dhigay Cisbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa, halkii kii dhaawacmayna Xaaladdiisa lala tacaalayo.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Askarigii dhibaatada geystay la qabtay isla-markaana la xidhay, si sharciga loo hor-geeyo.

Taliska Ciidammada Booliiska Somaliland, ayaan illaa hadda War ka soo saarin arrintan Naxdinta leh, Wargeyska Himilo oo Xalay khadka Telefoonka kula xidhiidhayna uma suurto-gelin inuu helo oo ay qabtaan talefoonada Gacanta Masuuliyiinta Booliiska, Wasaaradda Amniga.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here