Hogaamiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa faahfaahin ka bixiyey safarkii dheeraa ee ay bulshada ku wacyigalinayeen qaadashada Kaadh codbixinta oo wefti uu hogaaminayey ay socdaal ku soo mareen gobolada Somaliland.
Xirsi Cali Xaaji Xasan Hogaamiyaha Xisbiga Waddani, ayaa sidoo kale ka hadlay Cagaf xisbigoodu ku wareejiyey deegaanka Dhoqoshay iyo siday u socdaan hawlaha loogu diyaargaroobayo doorashada Madaxtooyada ee la filayo inay dalka ka qabsoonto 13-ka Bisha November ee sanadkan 2017-ka.
Hogaamiyaha Xisbiga Waddani oo Waraysi siiyey Telefishanka Somali Cable ayaa ugu horayn waxa uu faahfaahin ka bixiyey socdaalkii wacyigalinta ahaa ee weftigiisu ku soo maray Gobolada dalka, isagoo arintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Deegaamada aanu maraynay waxay ahaayeen sida Somaliland ay ka siman tahay, xisbiyadu ku kala duwanoo ku kala taageerayaal badan oo cidiba cid ay taageerto.
Markaa anagu taageero xoog badan ayaanu ka helnay, soo dhaweyn badan ayaanu ka helnay oo runtii intaanu filaynay ka badan, markaa runtii aadbaan ugu mahadnaqayaa dadkii taageerayaasha ahaa ee deegaanada aanu soo marnay nagu soo dhaweeyey, nagu sooryeynayey, oo runtii deegaanadaa aanu soo marnay aanu aad ugu kalsoonayn inaanu ka helno saamigayagii (share) iyo in ka badanba.” Ayuu yidhi Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Mar la waydiiyey Xisbiga Waddani siday ugu suuragashay iyagoo xisbi mucaarida ah, Cagaf ay ku wareejiyeen degaanka Dhoqoshay ayaa ku jawaabay oo yidhi “Cagafta runtii Dhoqoshay ayaanu ku bixinay iyadoo ay ka qaadeen xubnihii Kulmiye ee meesha marayey Cagaftii hore loogu keenay ay ka qaadeen oo deegaanka laga qaaday ayaanu cagafta u geynay, runtiina dadku aadbay ugu reeyeen ugu riyaaqeen oo ay usoo dhaweeyeen, waxaanay ahayd runtii waajibkayaga in aanu kaalinta banaan buuxino, waxaananu mar walba eegaynaa dadkayaga baahidiisa iyo duruufihiisa si aanu uga jawaabno. Sida ay noogu suurtagashay anaga oo aan xukuumad ahayn oo xisbi ah hadana in aanu hadba awoodayadu inta ay tahay aanu talaabsano.
Intii aanaan xisbiga Galin waxaanu markii hore mabaadii guud oo 14 qodob ka mid ahayd baanu aniga oo kaliya maan ahayne team aanu saaxiib ahayn baanu ahayn ayaanu isku waydiinay kadibna markii aanu ka shirnay qodobadii aanu u arkaynay mabaadiida guud ee qaranka wax u taraysa ayaanu xulnay kadibna waanu u bandhignay (Waddani) mabaadiidiina way nala qaateen, oo ahayd dalka horumarkiisa, cadaalada iyo ka shaqayntiisa, musuqmaasuqa iyo la’ dagaalankiisa, dawlad wanaaga, dhalinyarada horumarkeeda, shaqo abuurka iyo in badan oo runtii ah arimaha bulshada iyo wax ka qabashadiisa ayaanu runtii si xoog leh usoo qornay qodobadii aanu islahayn way ugu muhiimsan yihiin ay nala qaateen, ayaanu u gudubnay xisbiga iyo sidii kaalmihiisa aanu ula qaybsan lahayn iyo wadashaqaynteeda.
Maxaad ku doorateen xisbiga, horaan uga hadlay, saddex shay ayaa lagu doortaa inaad ka mid noqoto xisbiyada, waxa lagu doortaa hogaamiyaha xisbiga hogaaminaya, aqoontiisa, akhlaaqda iyo edebta iyo qofka qiyamkiisa, ayaanu eegnay waxaanu is nidhi kii ugu wanaagsanaa weeyi, anaga doorashadayada anagoo team ah oo falanqayn iyo dood badan ka galnay, waxaanu aragnay inuu yahay qof Master ku sita aqoonta maamulka bani’aadamka amba ganacsiga MBA ayuu ku sitaa, wuxuu sidoo kale afartankii sanadood ee u dambeeyey uu ka soo shaqeeyey oo shaqo dawladeed ayuu intaaba badankeeda ku soo gaadhay wakhtiyo kooban mooyaane.
Doorashada kama walwalsanin in aanay dhacayn, wixii kale ee yimaada ‘qaybka illaahay uunbaa ogg’, oo anagu ma ogin, Komishankana anagu kalsooni weyn ayaanu ku qabnaa boqolkiiba boqol ah, doorashada siday u socoto waxaad moodaa inay si wacan u socoto ilaa hada wax carqalad ahna ma aragno, balaayana looma yeedho, xisbi ahaana barnaamijka noocaas ah ayaanu soo bandhignay oo bulshaduna jawaab fiican bay naga siisay, ishaadaa kuu macalin ah oo waadigii arkayey deegaanada, waana la is arki doonaayoo waxaan filayaa maalin dhaw ayay tahay ninkii ba’naayow lagu fasaxyoo, nin waliba waxa uu bulshada kala soo baxo waa la arki doonaa.” Ayuu yidhi Xirsi Cali Xaaji Xasan.