Garabyadii Xisbiga KULMIYE Ku Biiray Oo La Baafinayo Meeshay Jaan Iyo Cidhib Dhigeen, Ina Muumin seed Iyo Ina Cali Xuseen Oo Xaalkoodu Noqdey Halkaa Maroo Muuqaa Lawaa

0
463

Siyaasiyiin ka dhex doobyi jiray xisbiyada UCID iyo WADDANI oo cadho kaga haajiray xayndaabka xisbiyadaas ka dib markii is maadhaaf xoogani soo kala dhex galayna la baxay garabyo isku xoojinaya masraxa, garabyadaas oo kala ahaa garabkii Jamaal cali xuseen ee New UCID iyo Garabkii uu hogaaminayey siyaasi axmed muumin seed ee la baxay garabka toosinta iyo cadaalada ee WADDANI isla markaana  heshiis ay la gaadheen hogaanka xisbiga KULMIYE uu sabab unoqdey inay ku biiraan ayaa shacabka Somaliland baafinayaan meeshay jaan iyo cidhib dhigeen waxaana shacabku isweydiinayaa halka xubnahan oo cudud badnaa ay ku dambeeyeen maa daama aan muddo masraxa siyaasada iyo ka xisbiga KULMIYEba lagu arag maadaama lagu jiro xiligii wacyigalinta kaadhqaadashada oo siyaasiyiinta xisbiga kulmiye ismuujinayaan inuu mid waliba banaysto dariiqii iyo xeeladii haddii xisbiga kulmiye ku guuleysto doorashada uu uga mid noqon lahaa xukuumada la soo dhisi doono iyo sidoo kale inuu xisbiga soo saaro.

Haddaba xubnahan oo marka laysku daro tiro badnaa taageerayaalna watay ayaa xaalkoodu galay halkaa maroo muuqaa lawaa ilaa imikana waxaa la fasiri la yahay sababta ay xisbiga uga laangadhaynayaan. Siyaasi axmed muumin seed oo ahaa hogaamiyaha garabka toosinta iyo cadaalada ee WADDANI ka soo goostay isla markaana ahaa nin dhaq-dhaqaaq badan dhanka ololaha ayaa ka laangadhaynaya inuu ka soo muuqdo fagaarayaasha laga soo fuulo siyaasada xisbiga kulmiye. Wallow ilo wargeyska sahan helayo tibaaxayaan in ismaandhaaf u dhaxeeyo iyaga iyo xisbiga taas oo lagu macneeyey in ay waayeen waxbadan oo ay xisbiga ka filayeen oo ka mid ahaa heshiisyadii dhex maray labada dhinac ee lagu soo xero galiyey xayndaabka kulmiye oo ay waayeen markii runtu hortooda tim waxaana khilaaf ka dhigay afkiibaa juuqda gabay ka helay barada kulmiye waxaana masuul ka mid ah garabyadii ku soo beeray kulmiye oo magaciisa ka gaabsadey inuu sheego sababo la xidhiidha in wuu waayo xubinimada xisbiga wuxuu sheegay in xisbiga laga xigtaysanayo wuxuuna yidhi.” Walal waa tuntaa oo ka ma muuqano xisbiga kulmiye waxaana jirra in xisbigii aanu ka tirsanayn ku dhex qaloonay oo lanaga xigtaysanayo waxaanad moodaa in tiro xisbiga ka mid ah uun wax la weydiinayo anagana na loo arko dhex marayaal meesha iska jooga markii xaalku sidaa noqdeyna waxaanu garanay inaanu iska aamusno ilaa inta nala soo gaadhayo”

 si kastaba ha ahaatee garabyadii xisbiga kulmiye ku soo biiray ayaa ilaa maalintii loo mushxaradey ka dib muuqooda lagu arag fagaaraha loogu luuqeeyo laaxiyada kulmiyeysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here