Shir xasaasi ah oo ay albaabadu u xidhnaayeen oo manta ka dhacay Hotel Rays ee Boorama ayaa waxa fooda is daray Mauuliyiin ka tirsan xukuumada oo ay ka mid yihiin Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland iyo Maareeyaha Hayada Wadooyinka ee SRA oo isku dhinaca ah iyo qaar ka mid ah qurbojooga beesha reer Axamed oo ka kala timid daafaha dunida.
Shirkan oo ay saxaafadu dibad-joog ka ahayd ayaa markii uu soo dhamaaday waxa ay shabakadu khadka taleefanka kula xidhiidhay Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Md. Mustafe Faarax Abraar, waxana ay ugu horayn wax ka waydiisay, waxa ay ahayd danta iyo dulucda ka dambaysa shirkan, waxana uu yidhi
“Shirku waxa uu ahaa mid salka ku haya is waraysi iyo isku xaal waran, waxana uu dhexmaray Siyiisiyiinta iyi Qurbojooga beel ka mid ah beelaha gobolka Awdal, waxana uu ahaa shir loo baahnaa oo lagu xoojinayay xidhiidhka bulshooyinkan ee gudaha dalka iyo dibadaba”
Wasiir Abraar oo hadalka siiwata ayaa yidhi “Shirka oo ku dhamaaday jawi wanaagsan oo la isku xog waraystay waxa la isla gartay dhawr qodob oo midka hore yahay in siyaada iyo masiirka siyaasadeed ee bulshawayntan loo daba fariisto waxna laga waydiiyo siyaasiyiinta beesha ugu jira xukuumada Somaliland , sidoo kale waxa la isla afgartay in wada-jir loo taageero xukuumada iyo xisbiga Kulmiye,
Qodobka u denbeeyay ayaa waxa aanu isku raacnay in ball-kale la qabsado oo la isugu yimaado shir ka balaadhan kan, oo loogu gobol-xaadhayo sidii bulshowayntan loo midayan lahaa cududeeda, dhinacyada siyaasada, waxqabadka iyo hormarrinta talka iyada oo gundhigu yahay in la adkeeyo midnimada beesha iyo tan Somaliland”