Wasiir Cali Mareexaan Oo Ku Baaney In Xisbiga KULMIYE yahay Xisbigii Ugu Waxqabadka Badnaa Ee Dalka Soo Mara

0
458

Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka Iyo Guryeynta Mudane Cali Xasan Maxamed Oo Sheegay In Xisbiga Kulmiye Yahay Astaan Qaran Dhinaca Kalana Dadweynaha Degmada Qoyta Uga Mahadceliyey Taageerada Umuujiyeen Musharax Muuse Biixi Cabdi.

Kumanaan ka tirsan shacabka ku dhaqan degmada Qoyta, ayaa maanta guddoomiyaha iyo waftigiisa si weyn usoo dhaweeyey ka hor intii aan hadhimada la gudo gelin, waxana guddoomiyaha iyo waftigiisu shacabka kala hadleen goob si gaar ah loo diyaariyey, iyada oo halkaasna ay hadallo dhinacyo kala duwan taabanaya ka jeediyeen qaar kamid ah haldoorka degmada Qoyta iyo weliba xubno ka mid ah waftiga.

Cuqaasha, waxgaradka, salaadiinta, aqoonyahanka, haweenka, xildhibaannada iyo siyaasiyiinta degmada Qoyta oo madasha hadallo ka jeediyey, ayaa si cad u sheegay inay shacab ahaan taageero buuxda u hayaan xisbiga KULMIYE, isla markaana codkooda la garab taagaan yihiin murrashax Muuse Biixi Cabdi, iyaga oo si mug leh uga mahadnaqay waxqabadka ballaadhan ee ay xukuumaddu ka hirgelisay deegaankaas.

Wasiir Cali Xasan Maxamed oo isaguna hadal kooban u jeediyey shacabka degmada Qoyta ee taageeradiisa isu soo baxa ku muujiyey, ayaa dadweynaha si weyn ugu mahad celiyey, waxana uu ku adkeeyey inay horumarka xukuumadda taageeraan, isla markaana sii xoojiyaan taageeradoodii ay caanka ku ahaan jireen ee ay xisbiga KULMIYE siin jireen.

Wasiirka Ayaa Sidoo kale sheegay in xisbiga Kulmiye yahay astaanta qaran, wuxuuna tilmaamay inuu yahay xisbigii ugu horumarka badnaa ee Taladda waddankan qabta, wuxuuna sheegay inuu maanta Musharaxa ay wadaan hanan doono tallada waddanka diyaarna uyahay inuu Taariikhdii Madaxweyne Siilaanyo halkaas kasii wado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here