Bulshada Deegaannada Maxamed Ugaas, Jaamac Qamar, Taallo-buur Iyo Burco oo Muujisay Taageerada ay u Hayso Xisbiga KULMIYE

0
547

Waxgaradka, madax-dhaqameedka, aqoonyahanka, siyaasiyiinta, Haweenka, Dhallinyarada iyo haldoorka beesha ku dhaqan deegaannada Maxamed Ugaas, Jaamac Qamar iyo Burco (Yeesif Maxamed), ayaa si buuxda u muujiyey taageerada ay u hayaan xibul-xaakimka KULMIYE, waxana shaaciyeen inay si niyadsami leh u codkooda u siin doonaan murrashaxa Muuse Biixi Cabdi marka la gaadho waqtiga doorashada.
Haldoorka beesha oo caawa kulan ballaadhan oo ay ku muujinayaan taageerada ay u hayaan xisbiga KULMIYE ku qabtay magaalada Burco, ayaa iftiimiyey sida ay ula dhacsan yihiin siyaasadda xukuumadda uu hoggaamiyo madaxweyne Axmed Siilaanyo eek a dhalatay xisbiga KULMIYE, waxana ay sheegeen inay diyaar u yihiin sidii ay qabtooda uga qaadan lahaayeen inuu xisbigu mar labaad kusoo noqdo hoggaanka dalka.
Munaasibadda ay beeshu ku muujinaysay taageerada ay u hayso xisbiga KULMIYE oo ay xaadir ku ahaayeen talo-qabeenka iyo xubnaha muunadda uga ah beesha dhinacyada siyaasadda iyo dhaqanka, ayaa waxa goob joog ku ahaa hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE, Wasiirrada wasaaradaha Warfaafinta, Hawlaha guud,Macdanta, xildhibaanno, dhallinyaro iyo marti-sharaf kale oo tiro badan, waxana halkaas laga jeediyey hadallo ay haldoorka beeshu si cilmiyeysan ugu faaqideen guulaha xisbiga KULMIYE dalka gaadhsiiyey ee sababta u noqday inay beeshu si buuxda u taageerto xisbiga.
Qaar kamid ah haldoorka beesha oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay xushmad iyo karaamo badan u hayaan xisbiga KULMIYE iyo murrashixiintiisaba, isla markaana ballan qaadayaan inay codkooda ku kaalmayn doonaan.
Siyaasi Cabdikariin Axmed Maxamed(Xinif) oo isaguna madasha hadallo kooban ka jeediyey, ayaa hogaanka beesha Yeesif Maxamed ee halkaas ku sugnayd la dardaarmay, ayaa ku boorriyey inay bixinta codkooda miqyaas uga dhigaan cidda dalka wax la taaban karo ka qabatay, isaga oo si gaar ahna carrabka ugu ballaadhiyey guulaha KULMIYE qaranka gaadhsiiyey.
Wasiirka wasaaradda Macdanta Md. Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa isaguna sheegay inay beeshu safka hore kaga jirto taageerada KULMIYE, isaga oo farta ku fiiqay in murrashaxa waqtigan KULMIYE u sharraxani yahay mid kasbaday haldoorka beesha, isla markaana taageeradiisa loo midaysan yahay.
Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee KULMIYE Md. Axmed Cabdidheere oo halkaas ka hadlay, ayaa haldoorka iyo waxgaradka beesha uga mahadceliyey sida dhiirranimada leh ee ay u taageereen KULMIYE, waxana uu sheegay inay kamid yihiin deegaannada uu KULMIYE sida gaarka ah ugu xisaabtamayo.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo isaguna munaasibadda soo gunaanaday, ayaa ka mahad celiyey taageerada beesha ee xisbiga KULMIYE, waxana uu sheegay in waxqabadka KULMIYE looga gol leeyahay in gebi ahaanba lagu kasbado beelaha Somaliland dega oo dhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here