Ceerigaabo: Macalimiin Codsaday In Lagu Daro Macalimiinta Saxaya Imtixaanka Shahaadiga Ah Ee Sannadkan

0
498

Xubno ka tirsan Macallimiinta Dugsiyada dawladda ee gobolka Sanaag wax ka dhiga oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolkaas Shalay, ayaa ku cawday inaanay Wasaaradda Waxbarashada Somaliland iyo Xafiiska guud ee Imtixaanaadku waxba ka siinnin Macallimiinta Imtixaanka Shahaadiga ah saxda iyo Tabobbarrada Macallimiinta dalka la siiyo toona.

Waxay Macallimiintan oo Rag iyo Dumar-ba isugu jiray ugu baaqeen Wasiirka Waxbarashada Cabdillaahi Ibraahim Habbane (Cabdillaahi-dheere) iyo Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Daa’uud Axmed Faarax inay doorkooda siiyaan Macallimiinta gobolka Sanaag, isla-markaana tabobbarrada la bixiyo aanay ka qadin, sidoo kalena ay Xubno kaga daraan Macallimiinta Imtixaanaadka sannadkan saxa, maaddaama oo 26-ka sano ee Somaliland jirtay waxba laga siin, sida ay ku doodeen.

“Waxaanu dood weyn ka qabnaa in aanaan Xaq u helin ama aanaan ka qayb-qaadanin marka la saxayo Imtixaannaadka Dugsiyada sare ama dhex Macalimiintayadu kama qayb-gasho, annaga oo is leh waxaad tihiin Gobolkii ugu baalleeyay Jamhuuriyadda Somaliland” ayuu yidhi, mid ka mid ah Macalimiinta Arrintan ka hadlay, waxaanu intaa ku daray “Waxa kale oo aanu Saluugsan nahay Dhinaca Tababbarrada, sidaa darteed waxaanu Wasaaradda Waxbarashada iyo Xafiiska Imtixaannaadka ugu baaqaynaa inaanu Sannadkan ka qayb-qaadanno Sixitaanka Imtixaanka Dugsiyada Sare iyo Dugsiyada Dhexeba, waxaanuna Wasaaradda ka codsanaynaa in Gobolka il-gaar ah lagu soo eego.”

Mid kale oo ka mid ah Macalimiinta hadlay, ayaa yidhi “Qaarkayo waxaanu Macalimiin ahayn Afartan Sannadood, laakiin ma jiro Macalin weli ka qayb-galay Sixitaanka Imtixaanka Shahaadiga ah, sidaa darteed waxaanu Wasaaradda iyo Xafiiska Imtixaannaadka guud ka ocdsanaynaa inay naga qayb-galiyaan Doorkan Sixitaanka Imtixaanka iyo Tababbarrada.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here