Ma laga yaabaa inuu Kacdoon Cusub ka Dhaco wadamada Carabta…… Warbixin U soo Saaray Mac-hadka Israa’iil ee Besa

0
370

Daraasad u soo saaray Mac-hadka The Begin –Sadat Center for Strategic Studies oo raacsan jaamacada Bar-Ilan University ee Israa’iil ayaa wuxuu daabacay maalintii Khamiista ee ina dhaaftay daraasad ballaadhan oo u diyaariyey Dr. Edy Cohen oo uu kaga hadlayo in la filayo Kacdoon Carbeed oo cusub ( New Arab Spring) kaas oo ka dhalan doona mushkiladaha dhaqaale ee ka jira dawladaha Khaliijka oo uu ugu horeeyo dalka Sucuudigu.

Warbixintan oo u cinwaan uga dhigay ma laga yaabaa inuu soo socdo Gugii Carabta oo ka soo cusboonaada Khaliijka ayaa waxa lagu faahfaahiyey in khilaafka siyaasadeed ee ka jira wadamadaasi u keenay in dalal ka mid ah kuwa gacanta ku yaal ay gacanta u galeen dawlada Iran.

Sida lagu sheegay warbixintan waxa laga yaabaa inay wadamada Khaliijka ka dhacaan kacdoonadan oo ku qotoma dhaqaale xumo beryahan dambe soo food saartay wadamadaas iyo go’aanada siyaasadeed ee aan xikmada iyo feejignaanta ku dhisnayn ee ay ku kacayaan madaxda dawladahan.

Dhibaatooyinka guddaha ee kala duwan ayaa sababi kara gu’ cusub oo ka hilaaca wadamadan waxase midheheeda goosanaya ayey warbixintu sheegtay wadanka Iran. intii wadamada Sucuudiga iyo Iamaaraadku ay xidhiidhka u jareen dalka Qatar waxay Iran fursad fiican u heshay inay gacanta si wanaagsan ugu dhigto dalka Baxreyn ayey warbixintu tidhi.

Warbixintan oo lagu daabacay bogga internetka ku leeyahay mac-hadka Besa   https://besacenter.org/  ayaa si xoog ah loogu qaadaa dhigay  dhaqaalaha dalka Sucuudiga oo lagu tilmaamay inuu yahay mid dhibaato weyn oo hoos u dhac ah la soo gudboonaatay sannadihii ugu dambeeyey taas oo ay ugu wacan tahay sicirka shidaalka adduunka oo hoos u dhacay, lacagta badan ee uu siiyo madaxweynaha dalka Masar tan iyo intii uu inqilaabka ku qabsaday, dagaalka u ka wado dalka Yamen iyo xubnaha reer boqor oo imika intan ay wax is bedeleen u xuub siibtay inay ku kacaan hanti urursi badan.

Warbiintan waxa kale oo lagu sheegay in markii dawladaha Khaliijku ay xidhiidhka u jareen dalka Qatar uu taageero ka helay dalka Iran taas oo wax weyn ka bedeshay ra’yul caamkii dadka Carabta oo woxogaa dhibirsanaan ah u muujiyey dalka Iran waana arrin khatarteeda leh oo waxa mandaqadan saameyn weyn ku yeelan doona dalka Iran iyo Ruushka haddii aanu maraykanku soo dhex gelinna waa arrin soo dedejin doonta kacdoon shacab oo usub. ayaa warbixintan lagu sheegay…. haddba halkan ka akhri warbixintan oo Af-Ingiriisi amma Carabi ku qoran.

https://besacenter.org/perspectives-papers/arab-spring-persian-gulf/

http://sahafatak.net/show710188.html

Xigasho: Beershiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here