QARAN IYO QABYAALADI ISMA QAADAN KARAAN

0
646

Cumar Axmed Cali

markasta  oo  ay doorasho  soo  dhawaato qabyaaladuna  sare ayay u kacdaa Bulshaduna  way kala fogaataa, qaska iyo jaah-wareerkuna wuu bataa, sababtuna  waxa weeyaan dadka reer S/land oo aan wali u  bislaan nidaamka  doorashooyinka xorta ah.
Inkasta oo aan laysku raacsanayn in  nidaamkan aynu qaadanay   yahay kii ugu haboonaa ee ay bulshadeenu u baahnayd in ay wax ku doortaan, hadana waxa hubaal ah, in aynaan hadda  haynin wax inoo diyaarsan oo aynu ku badalano.
Hadaba  si kastaba  wax ha loo doortee  waxa biyo kama dhibcaan ah, in dadka reer s/land  u baanyihiin Dawladnimo taabo gal ah oo ay  ku wada hirtaan.
Waxay  bulshada reer s/land xaq u leedahay in xaddaaradaha iyo Aqoonta maanta dunida taala  qaybtooda qaataan kana faa’iidaysataan  cilmiga casriga ah ee maanta la gaadhay,   waxay bulshada reer ay xaq u leedahay in ay  si sharaf leh ugu noolaato  dunida guudkeeda, oo aan marnaba  loogu amar-ku-taagleyn  Arlada korkeeda, dadka reer s/land waxay xaq u leeyihiin in aan marna loogu cagajuglayn  awood Milatari, iyo mid Dhaqaaletoona.
Qabyaalada iyo kala qaybsanaantu waxay udub dhexaad u yihiin  mushkilado isbarkan   oo maanta Bulshadeena u dhutinayso, ku waa soo aanan kalkan ku wada koobi karin, laakiin haddii aan wax yar ka tilmaamo ay ka mid yihiin saboolnimada iyo cadaalad-darrada, ku dhaqan la’aan sharciga iyo isla xisaabtan la’aanta,  kala shakiga iyo isdhexgal-la’aanta Qabaa’ilada.

Qabyaaladda waxaynu ku waynay in aynu dhisano haykal Dawladeed oo xooggan, kaa soo ay aas aas u tahay shuruuc ka turjumaysa baahida Bulshadeena.

Taariikhaha iyo tijaabooyinka ay  dunidu soo martay waxay iftiimiyaan in aan  marna Aadamuhu  ka maarmi karin dhisashada Dawladnimo xalaala  oo ay ku hoos  noolaadaan.
Hadaba ummadkastaa waxay beerato  ayuun bay goosataa,  mana jirto cid cidkale u horumarisa dhulkeeda,  Bulsho kastaa iyada ayay u taalaa halka ay u jahaysanayso iyo jidka ay u marayso nolosheeda.
Sida muuqata qaabka  aynu wax ku dooranaa waxa uu madaxa la galay beelaysi iyo siyaasad reeraysan, taa soo turun turo iyo hagardaamaba  ku ah nidaamka doorashooyinka madaxa banaan ee aynu qaadanay.
Taariikhda  ay dunidu soo kala dhaxashay waxay ina baraysaa in ay Dawladnimadu  ku  midho dhasho  midnimo iyo wax wada lahaansho, waxa madax lagu kala doortaana  ay tahay   taariikhda iyo magaca ay Bulshadooda ku dhex leeyihiin, waxa kaloo lagu kala doortaa fikirka iyo aragtida  ay Aaminsan yihiin, waxa madax lagu kala doortaa   waxay Ummaddooda u soo bandhigaan iyo siday waaqiciga ugu turjumayaan waxay u balan qaadayaan shacabkooda.
Waxa uu sooyaalka waayuhu inooga markhaati furayaa in aan waligeed  guul lagu gaadhin  tafaraaruq iyo kala qaybsanaan ku timaad bulsho meel wada taal,  waxa qudha ee laga dhaxlaana  ay  tahay ummadda oo is nacdo, khilaafaadka iyo  colaadaha oo  bata.  Waxa kaloo laga dhaxlaa gaajada iyo darxumada oo dadka caam-yeesha,  da’yarta oo dhulkooda ka daaduuma.
Ayaan-darooyinka ina haysta waxa ka mid ah, in kuwii Shacabka ka saari lahaa aafada Qabyaaladda uu midiba Qoys meel ku shirinayo, markaan sidaa leeyahay uma jeedo shaqsiyaad kooban, laakiin waxaan u jeedaa inta Bulshada horboodaysa oo dhan, ku waa soo cadaystay in ay danahood guracan ku gaadhaan magaca Qabiilka.
Waxaan ku baraarujin lahaa Bulshada  reer  s/land  in aanay waligood horumar ku gaadhaynin siyaasad Qabiil huwan iyo  madax yaa reer hebelaay loogu ololaynayo somalidu waxay ku maahmaahdaa ” wixii umusha u dan ah, ayaa Ilmahana u dan ah” ma jiraan dano ay  kala leeyihiin Shacabka reer S/land.
Dadka reer S/land  waa shacab  walaalo ah oo wax walibana  ka dhexeeyaan,  oo aanay jirin waxay kala leeyihiin, haddii ay tahay Diin, haddii ay tahay Dal, haddii ay tahay  Dhaqan iyo haddii ay tahay Luuqadba.
Bulshada  reer  S/land  waa dad ehel iyo ood-wadaagba ah, oo si walba Noloshoodu iskugu xidhan tahay, mana jiraan wax loogu kala abtiriyaa, waa  dad walaalo ah oo isku wada dan ah, baahida ay leeyihiin  waa  isku-mid, oo waxa uu midi u baahan yahay,  ayuu kan kalena  u baahan yahay, haddii ay tahay cadaalad, haddii ay tahay Amni, haddii ay tahay  horumar iyo haddii ay tahay adeegyada Bulshada oo ay ka xaqab-baxaan.
Hadaba Ummadkasta oo soo martay xaalad  mugdi ahi, maalin maalmaha ka mid ah ayay  ka tashatay iskana laabtay boggii hore ee madoobaa, waxa maanta inala gudboon in aynu is waydiino maxaynu qabyaalad ka dheefnaa, maxayse dhib inagu haysaa, islamarkaana la nimaadno caqligii aynu kaga tashan lahayn Qabyaalad iyo kala qoqbnaan,  una dhisan lahayn  nidaam Dawli ah oo xoog-badan kaa soo hal-ku dhiggiisu  yahay  hufnaan,  hawlkarnimo iyo himilo sare.

ILAAHAY waxaan ka baryayaa in uu inaga daweeyo qabyaaladda iyo qaadka, wax dhaamana inoogu badalo, waxa kaloo Alle ka baryayaa in uu inagu ilhaameeyo ku toosnaanta XAQA iyo ka fogaanta XUMAHA oo dhan. By Cumar Axmed Cali; cumarmahad331@gmail.com/ tel; 0634244802.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here