DA’DAADU WAA IMISA? MASKAXDAADU SE HEERKEE AYEY JOOGTAA?

0
801

FADLAN AKHRISO OO WAX KA BARO KORNIINKA MASKAXDA EE AADANAHA DABADEEDNA IS QIYAAS OO NAFTAADA KU DABBAQ.

”Brain Development” Korniinka maskaxda aadanuhu waxa uu bilaabmaa marka ilmuhu ku saddex todobaad jirsado caloosha hooyadii. Korniinkaasi ma aha mid garasho wata oo maskaxdu ilmaha kula socodsiin karto hadba xaalka uu ku sugan yahay jidhkiisu.

Garashada ugu horraysa ee maskaxdu ay gudbisaa waa tan dareenka. Tusaale ahaan xanuunka amma damqashada oo ilmuhu dareemi karo marka uu soo dhasho. Sidoo kale qabowga, kulka iyo gaajada intaba ilmuhu waa uu ka dareen celiyaa isaga oo adeegsanaya oohin.

Intaa ka dib maskaxdu waxa ay u gudubtaa in ay barato farxadda iyo qosolka. Halkan marka ay maskaxda aadanuhu soo gaadho waa marka caafimaadka maskaxdu sugnaanshiyaha rasmiga ah qaato. Waana marxalad dhakhaatiirta maskaxdu ku garan karto caafimaadka ilmaha.

Halkaa marka uu dhaafo, waxa bilaabanta in ay maskaxdu bilowdo in ay erayada uruursato, waana sida uu ilmuhu hadalka ku barto. Korniinkan cusub waxa raaca in maskaxdu ay baaxad ahaan ka balaadhato intii hore iyada oo madaxa ilmuhuna la korayo qiyaas ahaan si ay qaybta xasuusta ee maskaxdu u unkanto.

Marxaladdan marka uu ilmuhu soo gaadho waxa la yidhaa ”Plasticity of the Brain” oo ah in ay maskaxdu si ka duwan sidii hore ay u qaabaysantay dhan walba. Maraaxilkan ‘Plasticity’ waxa loo ga gudbaa in maskaxdu ay bilowdo in ay wax iswaydiiso oo ah halka uu fekerka aadanuhu ka bilaabmayo.

Marka halka kan la soo gaadho ayaa aadanuhu bur iyo biyo u kala baxaa! Maskaxdu markan waa xaashi cad oo ay wax walba ku qormi karaan, waa nin iyo nasiibkii waxa ku qorma oo noqonaya wax aan weligii qofka sinaba uga hadhi karin. Waa in uu adduunyada ku naajaxo oo magaciisa sharraf sheegmo iyo in uu sheelmo oo shucaacu qariyo.

Labada nooc ka aad noqotaba maraaxilkan waxa loo ga gudbaa kan ugu danbeeya oo garaad buuxsan ka la yidhaa waana marka uu qofku 65 jir caafimaad qab uu ku gaadho. Maskaxdu marka ay todobaatan gaadho naaqus badan ayaa ku yimaada shaqadeeduna aad ayey u yaraataa ilaa inta ay ka gaadhayso in dib loo xannaaneeyo oo ay ku laabato meeshii ay hore uga timi.

Maraaxilladaa culuunta siyaasaddu waa ay ka warrantaa, waxana ay u kala qaadaa shan cutub oo kala ah:-

1.The Stages of Man and Neurons” oo ah marka uu ilmuhu caloosha hooyadii ku jiro ilaa inta uu ka gaadhayo toban bilood.
2. ”Voluntary Movement” oo ah marka uu ilmuhu gaadho 11 bilood ilaa inta uu ka gaadhayo lix sano.
3. ”The Prefrontal Cortex” waa 7 jir ilaa iyo 22 jir waana wakhtiga maskaxdu go’aan qaadasho sameyn karto, ee ay kala garan karto saxa iyo qaladka si toos ah.
4. ”The Peak Power” waa 23 jir ilaa iyo inta oo qofku ka gaadhayo 65 jir. Marka halkaa la soo gaadho ma jirto marxalad danbe oo qofka korniinkiisa maskaxda uga dhimani.
5. ”Hippocampus Reversal” waa marka uu qofku dhaafo 65 ee uu kormaro ilaa inta uu 70 ka gaadhayo oo uu galo xaalad dib u noqosho ah.

Dhallinyaro is eeg oo is cabbir da’ ahaan halka aad ku jirto iyo maskaxdaadu sida ay u shaqayneyso. Ma gaadhay 23 jir? Haddii aad gaadhay weli miyaa noloshaada la guu tilmaamaa? Bulshada kaalin noocee ah ayaad kaga jirtaa? naftaadu ma dabbaran tahay oo adigu ma is kafaalo qaaday?

Mohamed Hagi Mohamoud

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here