Mudooyinkan dambe waxa Xisbiga Wadani Hogaankiisa Sare iyo Haweenka Xisbigaasi Caadaysteen in ay Wax ka sheegaan Caafiimaadka Mandelaha Somaliland Madaxweyne Mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo arrimo Shaqo iyo Safar gaara ku jooga Wadanka isutaga imaaraadka Carabta gaar ahaan magaalooyinka Abu dhabi iyo Dubai iyagoo jees jees iyo wax laysku caayo ama laysku dhaliilo ka dhigay Arrimaha caafimaadka.
Hadaba bulshada reer Somaliland ayaa aad uga cadhooday hadalada qadafka iyo meel ka dhaca ku ah Sumcada iyo Magaca madaxweynaha iyadoo sida madaxweynuhu Hadalkiisii u dambeeyay ee markii uu la kulmay maareeyaha hay’adda maalgelinta abu Dhabi uu la yeeshay u jeediyay Shacabkiisa Xalaasha ah iyo Dalkiisa iyadoo ddka reer Somaliland ay Si weyn u qiimeeyaan una jecel yihiin Halyeygooda mudada 50 sanno gaadhaysa naf iyo maalba u huray una soo halgamay.
Haddaba qaar ka mida Bulshada reer Somaliland oo isugu jira Wax garad,aqoonyahan,Madax dhaqameed Haween iyo Siyaasiyiin ayaa Xisbiga Wadani ku tilmaamay hogaankiisa Sare iyo Madaxdiisa qaar aan is dhegeysan oo iyagu isu bogay isla markaana isu arka in Caafimaadka illaahay bixiyo ay gacanta ku hayaan sidii oo ay iyagu bixinayaan Caafimaadka
Aqoonyqhqn ismaaciil Maxamed Faarax oo ka mid aqoonyahanka Qurba jooga ah eek u Dhaqan Wadanka Ingiriiska ayaa aad u dhaliilay Hogaanka Xisbiga Wadani Wuxuuna Sheegay in Xisbigaasi uu yahay Xisbi aan u danaynayn Somaliland siyaasadiisana mugdi ku jiro wuxuuna sheegay in Madaxda Soomaaliya ay ka jecelyihiin kuwa Somaliand
“Anigu Qoladan Wadani Siyaasiyiin uma aqaano Waayo Madaxweyne Siilaanyo Waxay ka jecel yihiin Farmaajo waxaana muuqata in Xidhiidh hoose oo somaliweyn ahi jiro dalkana laguma aamini karo waayo maalin ri’I gees kamay ridin wax lagu aamino garan maayo madaxwene siilaanyo iyo Xisbiga Kulmiye ee Mujaahidiintu hogaaminaysana Waxba yeeli maayaan.
Marwo Sahra Axmed Maxamuud 9Sahra Halgan) oo ka mida Hablaha Mujaahidiinta isla markaana aqoon badan u leh Shakhsiyada Hogaaminta kartida dadnimada iyo Dhaqanka Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa iyadoo ka hadlaysa dadka wax ka sheega Caafimaadka Madaxweynaha Waxay aad ugu dheeraatay meel ka dhaca Xisbiga wadani Hogaankiisa iyo Haweenkiisa.
“Waxaan aad uga Xumaaday la yaabay ka seexan waayey meel ka dhaca iyo qoladan caadaystay Caafimaadka Madaxweynaha inay wax ka sheegaan Maaha Caafimaadku wax Qofku gacanta ku haysto manta madaxweynaheena in lagu caayo wuu caafimaad daran yahay maaha waa nin weyn oo Da’a wakhti Badan soo halgamay ummadan magic maamuus iyo Qadarin ku Leh Madaxweyne Axmed Siilaanyo Mararka Qaar Saddex Saacadood oo Xidhiidha ayuu khudbadaha Akhriyi Jiray Habeenkii ayuu guurayn jiray Xabadoo dhacaysa ayuu dhex taagnaa wuu inoo soo shaqeeyay taalo in loo dhiso ayuu mudan yahay,Sahra halgan oo hadalkeeda sii wadaa waxay Tidhi,kuwa hadlayaa Yurub ayay Caruurtooda ku haysteen Caydha ku Qaadanayeen markii Madaxweynaha Gabadanada iyo Qadoodigu ku dhacayeyHaddaan Wasiiradiisu Raacin yaa raaci lahaa hadday Suurta Gal tahay Dhamaanteen ayaa Diyaaradaha qaadan lahaa oo u tegi lahayn waar yaan Caafimaadka laysku caayin.
Caaqil Cabdi Yuusuf ayaa isna Hogaanka sare iyo Haweenka Xisbiga wadani ku tilmaamay intooda Badan Qaar aan dalkan iyo Dadkan taariikh ku lahayn isla markaana shaqooyin Leexsan hayey Xilliyadii Halganka Isagoo arrimahaa Caaqilku Ka hadlayo Wuxuu Yidhi.
“Raggani waxay ahaayeen Basaasiin,Been Ma sheegayaal,Xawaaladlayaal,Tagsiilayaal,Hudheelayaal iyo Kuwii dadka Xiniinyaha ka tumi Jiray Gaar Ahaan Berbera iyo Degaamo Badan oo Somaliland Waxba kama soo Qaado Hadalkooda waayo dad tayo leh dalkan lagu aamino karo maaha waa Dhuuni qaatayaal.