Masuuliyiinta xisbiga KULMIYE ee haya talada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa kormeeray sida ay u socoto hawsha qaadashada kaadhadhka codbixinta doorashooyinka ee degaannada Arabsiyo, Gabiley, Wajaale, Allaybaday iyo Farawayne ee Gobolka Maroodi-jeex oo ay guud ahaan waqtigan laga fulinayo bixinta kaadhadhka dadkii hore isu diiwaangeliyey.
Wefti uu hoggaaminayo Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed oo ay xubno ka yihiin madax sarsare oo ka mid ah xisbiga, wasiirro ka tirsan xukuumadda oo ay ka mid yihiin; Wasiirrada Caddaaladda Md. Axmed Faarax Cadarre, Warshadaha Md. Shucayb Maxamed Muuse, Beeraha Md. Maxamed Aw Daahir, Afhayeenka Madaxtooyada Md. Xuseen Aadan Cige (Dayr), Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boosaha Md. Faysal Cali-sheekh iyo saraakiil kale oo ka tirsan xisbiga iyo xukuumadda, ayaa maanta socdaal ujeeddadiisu tahay wacyigelinta dardargelinta qaadashada kaadhka codbixinta doorashooyinka dalka ku gaalaa-bixiyey shanta degmo ee Arabsiyo, Gabiley, Wajaale iyo Allaybaday oo ka mid ah Gobolka Gabiley iyo degmada Farawayne oo hoos timaada Hargeysa, kuwaas oo ay u kuurgaleen hannaanka ay uga socoto bixinta kaadhadhka codbixinta oo maalintii saddexaad u dhammaatay muddada Komishanka Doorashooyinku ugu talogaleen inay ka socoto hawshani labada gobol ee Maroodi-jeex iyo Togdheer.
Weftiga xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisu waxay meelo kala duwan kulamo la qaateen shacabka ku dhaqan magaalooyinka kala ah; Arabsiyo, Gabiley, Wajaale, Geed Ballaadh, Allaybaday, Waddo-makaahiil, Faraweyne, Bandar-wanaag, Waddo-bariis iyo tuulooyin kale oo badan oo hoos yimaada shantaasi degmo, waxaanay kala hadleen ujeeddada kormeerkooda oo ay u sheegeen in aannu ahayn olole siyaasadeed, balse uu la xidhiidho sidii xisbigu ula wadaagi lahaa dadweynaha dhiirrigelinta qaadashada kaadhka bixinta oo muhiimad wayn u leh muwaadinka iyo guud ahaan qaranka Somaliland-ba, sidaasi darteedna waxay ku boorriyeen oo ay ugu baaqeen dadka inay si buuxda qof waliba u qaato kaadhkiisa, iyagoo bulshada kala duwan oo ku nool deegaannadaasi si niyad-sami ah u soo dhaweeyeen masuuliyiinta xisbiga, isla markaana waxay riyaaqeen dareenka wanaagsan ee xisbigu la wadaagay.
Waxa kaloo masuuliyiintu warbixinno ka dhegaysteen madaxda kala duwan ee degaannadaasi u qaabilsan xukuumadda iyo xisbigaba iyo weliba hawl-wadeennada ka shaqaynaya fulinta shaqada bixinta kaadhadhka codbixiyayaasha doorashooyinka Somaliland.