In ka badan 35 Qof oo Tahriibayaal ah ayaa ku dhintay badda u dhexeysa Dalalka Liibiya iyo Talyaaniga, ka dib markii ay degtay Doonidii ay ku Safrayeen.
35-ka Qof ee Geeriyooday oo ay ku jireen Carruur, ayaa waxa ka mid ahaayeen 120 Tahriibayaal ah oo Sabtidii Dooni ka raacay Xeebaha Dalka Liibiya, laakiin Doonida ayaa degtay markii ay maraysay Badhtamaha Badda Mediterranean-ka, waxaana halkaa ku Geeriyooday 35 Ruux oo dhammaantood Afrikaan ah isla-markaana doonayey inay gaadhaan Qaaradda Yurub.
85 Qof ee kale ayaa waxa u gurmaday Dooni kalluumaysi oo maraysay badweynta Mediterranean-ka, waxayna Doonidaasi Dadkaa Tahriibayaasha ah ku wareejisay Ciidammada ilaalada Xeebaha ee Dalka Talyaaniga, sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka ee AFP oo Wargeyska Himilo uu Warkan ka soo xigtay.
Mid ka mid ah Tahriibayaasha la soo bedbaadiyey, ayaa isaga oo ilmaynaya sheegay in 35-ka Qof ee Doonida Degtay ku Geeriyooday ay ku jireen Xaaskiisii iyo Laba Carruur ah oo uu dhalay, “Doonidii aanu la soconay ayaa degtay, waxa ku dhintay Laba Carruur ah oo aan Dhalay iyo Xaaskaygii.” Ayuu yidhi, waxanu intaa ku daray “Dad badan ayaa la soo bedbaadiyey, Dad kale oo baddana way ku dhinteen..”