warar hadda soo baxaya ayaa waxay sheegayaan in Khasaare dhaawac fudud ah uu dhashey ka dib markii ay isku dhaceen laba baabuur oo ay leeyihiin guddida doorashooyinka somaliland oo ka hawl galay kaadh qaybinta gobolka Togdheer.
Safarkan ayaa waxaa guddida doorashooyinka Somaliland ku wehelinaayey xubno ka tirsan xisbiyada dalka ee UCID , Kulmiye iyo Waddani
Shilkan labada baabuur iska dhaceen ayaa ka dhacay degmada Biya Xidha oo ka tirsan deegaanadda gobolka Togdheer ee ku teedsan xuduuda somaliland iyo Itoobiya.
Khasaaraha shilkan ka dhashey ayaa waxaaa uu yahay mid aad fudud waxaana dhaawac fudud soo gaadhey afhayeenka xisbiga Kulmiye Xasan Gaafaadhi Iyo Maxamed Cali Madoobe(Jiir) oo ka tirsan xisbiga UCID
Sidoo kale wax dhaawac ahi soomu gaadhin gudoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga Waddani Cismaan Afgaab oo saarnaa baabuurta isku dhacdey
Wararka ayaa intaas ku sii daraya in afhayeenka xisbiga Kulmiye loo qaaday xarunta gobolka Togdheer ee magaalada Burco si loogula tacaalo dhaawaca soo gaadhay oo ah mid aad u fudud.