Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in Malaayiin Dollar ay ugu deeqeyso dadka ay Abaaruhu saameeyeen ee ku nool dalalka Soomaaliya, Nigeria, Koonfurta Suudaan iyo Yemen.
Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump oo ka qeyb-galayay Shirka Dalalka Qaniga ah ee la isku yidhaahdo G20 ee dalka Jarmalka lagu soo gebogabeeyay doraad, ayaa ku dhawaaqay deeqdaasi oo uu sheegay in ay muhiim u tahay nolosha dad badan oo xilligaan ku jira dhibaato culus.
Madaxweyne Trump ayaa xusay in dalalka caalamka laga doonayo in ay caawiyaan dalalkaasi oo uu sheegay in ay ka taagan yihiin Abaaro iyo dagaalada aan joogsiga laheyn.
Lacagtaan ayaa dhan $ 639 million oo Dollar, waxaana la sheegay in la sii marin doono hay’addaha samafalka oo ay ka mid tahay hay’adda WFP.
Soomaaliya ayaa lacagtaas waxay ku yeelanaysaa in ka badan $120 million oo doollar oo la filayo in ay wax weyn ka tarto xaalada bani’aadannimo ee ka jirta gudaha dalka Soomaaliya.
Deeqda uu Maraykanku ugu yaboohay Dalka Soomaaliya, ayaa waxa qayb ku yeelanaysa Somaliland, maaddaama oo illaa hadda Caalamku uu Somaliland ku tiriyo inay ka mid tahay Soomaaliya inteeda kale.
Somaliland ayaa ka mid ah Dalalka Geeska Afrika ee dhowrka jeer ay ka dhaceen Abaaraha aadka u darani.