“Burco Waxa Ku Sugan Maayarkii Berbera Saaxiibkay Cabdishakuur Cidin Iyo Kooxo Xoojin Loogu Yeedhay Oo Loo Soo Diray Saluugii Kulmiye Iyo Inuu Idinka Idin Doco-Doceeyo” Muniir Axmed Cigaal

0
358

Kaaliyaha Warfaafinta ee Musharaxa xisbiga Waddani, Muniir Axmed Cigaal ayaa bogaadiyey taageerayaasha ka soo jeeda beesha Ciise Muuse oo ka soo digo rogtay xisbiga talada haya ee Kulmiye, ee ku soo biiray xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, kaas oo tilmaamay in Siyaasiyiin iyo Masuuliyiin xilalkooda lagu xumaynayo uu Kulmiye usoo diray magaalada Burco.

Siyaasi Muniir Axmed Cigaal ayaa sidaasi ku sheegay khudbad uu ka jeediyey Munaasibad loo qabtay taageerayaashaasi ku soo biiray xisbiga Waddani, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi “Ilaahay Cabdiraxmaan Ciro kursiga ha ku guuleeyo, reer Togdheer, Sheekh, Saaxil, Qoyta iyo dhamaan Somaliland ha noolaadaan oo ha waaraan.

Waxaan halkan ugu mahadnaqayaa garabkii xisbiga UCID ahaa ee taageerayey Jamaal Cali Xuseen ee caawa la midoobay xisbiga ugu weyn Somaliland ee Waddani iyo garabka Macalimiinta, Aqoonyahanka ee reer Togdheer ee halkan caawa sida wanaagsan usoo camiray, waxa kale oo aan si gaar ah u salaamayaa labada aqoonyahan ee ka mid ah xildhibaanada aan ugu jecelahay Siciid Cilmi Rooble iyo Macalin Maxamed Faarax Qabile iyo dhamaan cidii xafladan soo qaban qaabisayba.

Caawa waa habeen weyn, habeen taariikhiya weeyaan, waa habeen aad ka dhabayseen isbedelka dhabta ah ee shacabka reer Somaliland u hayaamayo ee ku qotoma qabyaaladd diidka, ee diidaaya kala qoqobka, ee xaqiijinaya in bulshada Somaliland ul iyo diirkood ay yihiin oo qabiil, Ardaayo iyo dayrar aan lagu kala haynaynin, idinka ayaa xaqiijiyey oo soo dhaweyntii ayay ka mid ahayd aanu soo marnay deegaamadii gobolka Saaxil ilaa Togdheer, sidaad musharaxa usoo dhaweyseen, waad xaqiijiseene aad iyo aad ayaan mar kale ugu mahadnaqayaa, walaal waxaan idiin sheegayaa sida Siciid Cilmi Rooble sheegay soo dhaweyntiinii waa laga xumaaday, aadbay u dhibtay oo way xanuujisay xisbiga Kulmiye iyo musharixiisa runtii wajigabaxa kala kulmay deegaamada iyo beesha halkan joogta ee taariikhda ku leh Somaliland ee xaqiijisay inay Cabdiraxmaan Ciro soo dhaweeyaan.

Waxa la soo diray Siyaasiyiin iyo Masuuliyiin xilalkooda lagu xumaynayo oo waxa caawa magaalada Burco ku sugan Maayarkii magaalada Berbera Cabdishakuur Cidin oo loo soo diray saluugii Kulmiye uu kala kulmay ayaa Burco ku sugan oo maalinkaa maanta ah wax shaqo ah oo uu Burco ka qabanaya oo aan ahayn inuu idinka idin doco doceeyo mooyaane aanay jirin, waxaan idinku bogaadinayaa in sidaa aad ugu adkaysateen inaad ku soo biirtaan xisbiga Waddani aad ugu adkaysataan.

Anigu dadkii Jamaal Cali Xuseen taageeray ayaan ka mid ahaa, Jamaal Cali Xuseen saaxiib ayaanu ahayn, ummadda reer Somaliland oo dhami way isku kaaya ogayd, Jamaal isaga oo Abijan jooga oo City Bank u shaqeeya ayuu ka mid ahaa dadkii tirada yaraa ee aan UK ku soo dhaweyn jiray, dadkii siyaasada ku dhiirigaliyey ayaan ka mid ahaa ee inta badan ay wada tashan jireen, aad iyo aad ayaan u jeclaa in masraxa siyaasiga ah Jamaal Cali Xuseen uu meel sare ka gaadho, maantana waa saaxiibkay oo xusitaan iyo salaam mooyaane wax kale odhan maayo, laakiin waxaan jeclaa saaxiibkay in maanta sidaa taageerayaashiisii gobolka Togdheer gaar ahaan beeshii Awal Bari ay maanta halkan Waddani ku modoobayso uu inala joogo  oo Cabdiraxmaan Agtiisa uu fadhiyo, illaahay kama dhigin oo isagana khayr ayaynu u rajaynaynaa.

Walaalayaal waxa aynu u halgamaynaa oo aynu dhisanaynaa oo aynu halkaa u wada joognaa oo aynu u diidaynaa waxa yar ee laaca soke ahi waxa weeyaan hadaad tijaabiso oo wixii ay shaqayn waayaan, sida qabyaaladii aynu u tijaabinay, kala qoqobka bulshaa waynu tijaabinay, shan iyo labaatan sano oo Somaliland jirtay maanta Burco xaaladda ay ku sugan tahay, ee dhilnyarada caawa halkan ku sugan ee Master-ka sidataa ay ku sugan yihiin waynu ognahay, balanqaadkaa Siciid Cilmi Rooble halkaa idiinka sheegay dhab weeyaan Cabdiraxmaan Ciro-na waxa uu ka mid yahay hogaamiyeyaasha tirada yar ee waxa ay yidhaahdaan ka dhabeeya qofkana ka qawlkiisa la tijaabiyey ayaa lagu eegaa, rag badan oo gudoomiye ku xigeenka labaad iyo Xirsi Cali Xaaji Xasan oo aad garanaysaan ayaa iyaguna safka kula jira oo qawlkooda hore loo tijaabiyey oo aan beenta aqoonin oo run lagu yaqaano, waxaa ay halkan ka sheegeen waa wax ay tijaabiyeen oo ay qaban karaan hadii idinkuna aad hareeraha isla taagto oo isbadalkaa aad la xaqiijisaan, waxaad arki doontaan Burco oo iskuulku bilaash yahay, waxaad arki doontaan Burco oo loo soo dalxiis tago, waxaad arki doontaan burco oo shaqaalaheedu isku filan yahay oon Hargeysa jeedaalin.” Ayuu yidhi Muniir Axmed Cigaal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here