Ururka Daacish Oo Saddex Sanno Ka Dib Laga Saaray Magaalada Mosu

0
421

Ciidamada Dawlada Ciraaq ayaa dagaalo goos goos ah kula jirra dagaalyahanada

Daacish oo goobo kooban kaga sii hadhay magaaladda Mosul, Taliye ciidan ayaa sheegey in ay ciidamada ammaanku howlgalkoodii uu ka dhamaaday qaybta duuga ah ee magaalada oo ah goobtii ugu danbeysey ee ay haysteen kooxda isugu yeerta Dowladda Islaamka.

Image may contain: 5 people, people smiling, people standing and outdoor

Ciiddamada ayaa ku dabaaldegaya wadooyinka galbeedka magaalada oo burbursan laakiin wali waxa jira iska hor imaadyo, halka kooxda Daacishna ay sheegeen in ay dagaalami doonaan ilaa dhamaadka.

Goor sii horeysey ayey warbaahinta Ciraaq sheegtay in ay ciidamadu ku dhawaaqi doonaan guusha rasmiga ah maanta oo sabti ah.

Magaalada Mosul ayaa ahayd goob ay ku xoogan yihiin kooxda isugu yeerta Dowladda Islaamka tan iyo sanadkii 2014-kii iyadoo ciidamada Ciraaq ay wadeen guluf ka dhan ah kooxdan iyo sidii ay magalaadaasi gacanta ugu dhigi lahayeen tan iyo bishi Oktoobar ee sanadkii tagay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here