Wasiiro Iyo Masuuliyiin Kale Oo Xagal-Daacinaya Xukuumadda Iyo Xisbiga KULMIYE, Qaadhaanka Xisbiga WADDANI Oo Ay Si Qarsoodiya U Bixiyaan Oo Sirtoodii La Helay

0
439

Wasiiro Xaalkoodu Noqdey Xaydha Jecli Beerka Jecli Oo Sirtoodu Fashilan Tahay Iyo Safarkii Burco Ee Xisbiyada Oo Bananka Soo Dhigay Shabakad isku Xidhan iyo Qorshaha Damacoodu Yahay

Xulufo Heshiis Ku ah  Mabda Ka Duwan Kay Ku Shaqeeyaan Oo Xadhka Hoodu Taxan Yihiin Baradda WADDANI Oo Sawirkoodu Noqdey Dhuumasho Dhabarku Muuqdo

Ilo xogogaala Oo Wargeyska SAHAN helayo ayaa tibaaxaya masuuliyiin xagal-daacinaya xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE kuwaas oo dhuumasho dhabarku muuqdo ku curdan-dhadhiyey aaminaadii xukuumadu xilalka ku aamintay waxaana ay taa badelkeeda ka dhigteen laba wajiilayn sanqadh yari ah. Masuuliyiintan oo ubadan wasiiro ayaa ilooga qaateena oo diiradda ku haya dhaq-dhaqaaqooda ayaa wargeyska sahan usheegay in masuuliyiintani xidhiidh hoose la leeyihiin xisbiga WADDANI isla markaana ay bixiyaan qaadhaanka xisbiga. Masuuliyiintan xaalkoodu galay xaydha jecli beerka jecli ayaa kala ah, wasiir ku xigeenka qorshaynta Axmed Kayse. Wasiiru dawlaha Cadaalada, Wasiir ku xigeenka Ganacsiga,Wasiirka Dalxiiska Iyo dhaqanka, Agaasimaha Diinta Iyo Awqaafta Sheekh Saleebaan, Maayerka Boorama, dhamaantoodna waxa ilahani tibaaxeen inay hoos ka jaale la yihiin xisbiga waddani kuwaas oo ku wacad maray inay xisbiga u maqan yihiin oo ay qaadhaankooda bixinayaan isla mar ahaantaa ay si sanqad yari ah kula soconayaan dhaq-dhaqaaqa xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE si ay ugu soo gudbiyaan macluumaadka ugana shiidaal qaataan xogaha ay siiyeen masuuliyiintani waxaana sidoo kale ay yihiin xubno hal macaan oo aan xukuumadda is dareensiin inay ka jiraan balse tusa inay bogooda fadhiyaan.

Dhanka xisbiga WADDANI ayaa iyagu kal hore ka shaybaadhay inay run ka tahay WADDANI jacaylku waxaanay ogaadeen markii ay qaadhaanka ay si xawliya ubixyeen iyagoo soo marinaya shabakad ay ku heshiiyeen inay xogohooda ilaashaan si aaney uga siiban salaaka xukuumadda iyo xog helida ay jalaafada udhigayaan,

Masuuliyiintan aayaa la wariyey in ay sidoo kale xisbiga WADDANI ugu dhaarteen inay is casili doonan marka ay doorashadu kaabiga soo fuusho ee ay si cad u arkaan wakhtiga rasmiga ah ee doorashadu dhacayso inta kale se ay kula dhuuqayaan xukuumadda iyagana ay uwaaridayaan dhaqaalihii ay isku dareen ee  ay ugu talo galeen inay ku baneystaan boosas culus xisbigana ku dhaqaajaan.

Xogahan wargeyska SAHAN ka helayo masuuliyiintan wasiirada ah ayaa soo ibaxay ka dib markii labadii cisho ee ugu dambeeyey xisbiga WADDANI xarakada ciyaar siyaasadeedka ka socota gobolka togdheer ay dhankiisa dheeshu ujeeday kuwaas oo iyaguna raacay jibada mushxarad ay dhawaaqooda maqleen waxaaney si jabaq li ah ay uraadinayeen macluumaad dheeri ah oo ay ka helaan ciyaarta xisbiyada burco.

Qaar ka mid ah mmmaxamuioiiasuuliyiinaytaa oo iyagu shucuurtooda qarin kari waayey ayaa si lama filaan ah banaanka usoo dhigay damaca qorshahoodu yahay iyo in xaalkoodu galay xaydha jecli beerka jecli waxaaney sheegeen in ay dhawaan go,aan mideysan qaadan doonan. Xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE ayaa moogan dhitooyinka lagu jalaafeynayo labada ee ay maagan yihiin xulufadani.

Xigasho: Wargeyska Sahan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here