Farmaajo oo mar kale Cadaystay Cadaawadda uu Somaliland u Qabo Xukuumada, Xisbiyadda iyo Shacabka Somaliland oo isku Mashquulsan

0
480

“Midnimadda iyo Qaranimada Ummadda Soomaaliyeed waa lama taabtaan Waxaananu ogayna Dhulka Soomaalida Cidina Kama fulin Karto..Madaxweynaha Somaliya Farmaajo

“Arinta Saldhiga Milateriga ee Berbera wuu iga horeeyay Laakiin Xubnaha Baarlamaanka Waxaan Leeyahay  War Cad iyo qoraal aad ku Diirsataan ayaan dhawaan idiin soo Gudbin..Farmaajo

“Ciidamada Dib u Dhis iyo Dib u Habayn ayaanu ku wadnaa Waxa ugu weyn ee ay Wax ka qaban Doonaan waa kuwa Doonaya inay Midnimada Wiiqaan Soomaalina kala kexeeyaan doonaya…Madaxweyne Farmaajo.

.Madaxweynaha Dawladda taagta daran ee Muqdisho Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo Maanta (Shalay) khudbad ujeediyay Kalfadhigii Labaad ee Baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya iyadoo kalfadhigan labaad ka furmay Dugsiga Tababarka ee Janaraal Kaahiye ( EX Shool Policia ) ayaa ka hadlay Arrimo Badan oo ay ka mid Yihiin Saldhiga Berbera ee Somaliland Siisay Imaaraadka Carabta Ciidamada loo dhisayo Soomaaliya iyo Arrimo Badan.

Wiilkan Cadaawada iyo Colaada ka Dhaxlay adeerkii Sareeyo Gaas Maxamed Siyaad Barre Madaxweynihii Keli Taliska ahaa ee dalkii Laysku odhan Soomaaliya ee Talyaaniga iyo Ingiriisku kala Gumaysan Jiray ayaa Colaadan iyo Xumaanta uu u hayo Xukuumadda iyo Shacabka Hurda ee Reer Somaliland kala yimi Waqooyiga Ameerika oo Firxashadii uu ka cararay Muqdisho dhamaadkii Siddeetamaadkii uu ku tegey Maraykanka kula Soo Noqday Soomaaliya.

Hadalkan uu kaga hadlayo Midnimada iyo Saldhiga Berbera oo Mudooyinkii u Dambeeyay la hayey warkeeda ayaa ka dambeeyay labaatan Xildhibaan oo kama mida Baarlamaan ku sheega Soomaaliya oo isku urursaday Muqdisho una badan Gobolada koonfureed ee Soomaaliya markii ay Maanta ( Shalay ) Golaha u Qaybiyeen Mooshin ka Dhana Saldhiga Berbera qoraalka ay u Gudbiyeen Madaxweynaha oo Nuqul Ka mida Wargeyska sahan helay ayaa u Qoraa.

“heshiiskan wuxuu khilaafsan yahay mabaadi’da dhowrista madaxbaaniada qaranka Soomaaliyeed iyo khatarta siyaasadeed iyo mida milateri oo Soomaaliya iyo mandaqada geeska afrika uga imanaysa arrinta la xiriirta bixinta saldhiga militeri ee Berbera” ayaa lagu yiri mooshinka loo gudbiyay barlamaanka

Xildhibaanada Mooshinka soo gudbiyay waxay kaloo tilmaameen in arrinta ay walaac weyn  ay ku dhalisay ka dib markii ay ogaadeen in heshiiska uu khilaafsan oo ka soo horjeeda  dastuurka jamhuuriyada federaalka

“ Falka ay ku kacday dowladda Imaraadku Carabta wuxuu ka soo horjeeda midnimada iyo qaranimada JFS, dhaawacayana kalsoonida iyo xiriirka wanaagsan ee walaatinimo iyo iskaashi oo soojireenka ahaa ee ka dhexeeya JFS iyo Dowladda Imaaraadka” ayaa lagu yiri mooshinka.

Gabagabadii, Xildhibaanadu waxay dowladda federaalka u soo jeediyeen inay wadahadal saxitaan ah kala yeelato dowladda Imaraadka heshiiska Berbera, iyadoo la dhowrayo mabaadi’da qarameed ee ay ku dhisantahay Jamhuuriyadda federaalka

Xildhibaan C/llaahi Sheelh Ismaaciil iyo Daahir Amiin Jeesow ayaa mooshinka u akhriyay Xildhibaanada, waxaana ay sheegeen in Xukuumadda arrintan wada hadal iyo sixitaan kala yeelato Imaaraadka Carabta.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa sheegay in dooda mooshinka dib loo dhigay, isla markaana kulamada soo socda looga doodi doono.

Todobaadyadii u dambeeyay ayaa Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ay ku howlanaayeen diyaarinta mooshinka ka dhanka ah Saldhiga milateri ee Imaaraadka Carabta ka dhisanayo Berbera, kaasoo uu heshiis kula galay Dawlada Somaliland.

Intaa Ka Dib Madaxweynaha Dawladda Taagta daran ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa Sheegay in Heshiiskaasi ka Horeeyay isla markaana dhawaan war cad ka soo saari Doono.

“Arinta Saldhiga Milateriga ee Berbera wuu iga horeeyay Laakiin Xubnaha Baarlamaanka Waxaan Leeyahay  War Cad iyo qoraal aad ku Diirsataan ayaan dhawaan idiin soo Gudbin” Waxa kale oo uu Ka hadlay in Midnimada iyo Jiritaanka Qaranimada Soomaaliya uu u Dhaartay wax kasta oo dhaawacaya uu ka Hor tegayo.

“Midnimadda iyo Qaranimada Ummadda Soomaaliyeed waa lama taabtaan Waxaananu ogayna Dhulka Soomaalida Cidina Kama fulin Karto”

Dhinaca kale Farmaajo oo Todobaadkii Xornimada Soomaalida iyo Israacii Somaliland iyo Somaliya ku Jeesjeesaya reer Somaliland ayaa ku tilmaamay dadka reer Somaliland dad jibaysan oo lixdankii jibo keentay manta isaga baahan inay Soomaaliyadii balaadhnayd la midoobaan waxa kale oo ku hadaaqay in Ciidamada uu dhisayo ee Dib u dhiska iyo dib u habaynta uu ku wado uu ugu talagalay inay ka hotragaan waxa uu ugu yeedhay gooni u goosatada doonaysa inay midnimada Somaaliya kala gooyaan, “Ciidamada Dib u Dhis iyo Dib u Habayn ayaanu ku wadnaa Waxa ugu weyn ee ay Wax ka qaban Doonaan waa kuwa Doonaya inay Midnimada Wiiqaan Soomaalina kala kexeeyaan” Laakiin  wuxuu ilaaway dadka uu la hadlayaa inay yihiin kuwii adeerkii iyo Dawladdii ugu cududa weynayd afrika Liqay balse waxa wax lala yaabo ah in hadalada noocaas ah aanay jirin Xukuumad Xisbiyo aqoonyahan Saraakiil iyo Shacabka Somaliland Cid ka Jaawabaysaa oo reer Somaliland iyagu isku mashquuleen intii ay cid kale iska dhicin lahaayeena ay ka sheekaynayaan caafimaadka Madaxweynahooda.

Xigasho:  Wargeyska Sahan.farmanjo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here