Kaaliyaha Warbaahinta ee Musharaxa xisbiga Waddani, Muniir Axmed Cigaal ayaa jawaab ka bixiyey eedo uga yimid Badhasaabka gobolka Togdheer, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo ku eedeeyey in Muniir hadalo uu ka jeediyey goobihii shalay lagu soo dhaweeyey Masuuliyiinta xisbiga Waddani ee socdaalka ku tagay gobolka Togdheer ay qalalaase iyo fowdo abuurtay.
Muniir Axmed Cigaal, Kaaliyaha Warbaahinta ee Xisbiga Waddani ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedahaasi Badhasaabka Gobolka Togdheer, waxaanu Muniir Axmed Cigaal nasiib daro ku tilmaamay in Badhasaab Ramaax oo ay saaxiib yihiin uu kula soo galgasho Masuuliyiinta xisbiga Waddani eedaha noocaas ah hadiiba ay canaani kaga timid xaga gudoomiyihiisa Xisbiga Kulmiye oo sanqadh tirasho iyo qaab muuqasho la’aan ah ku yimid gobolka Togdheer.
Kaaliyaha Warbaahinta ee Musharaxa xisbiga Waddani, Muniir Axmed Cigaal waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Burco isagoo arimahaasi ka jawaabayana waxa uu yidhi
“Waxaan halkan kalmad iyo laba ka odhan doonaa hadal runtii aan u malaynayo in aanu sidii saxda ahaa u bixin oo aniga igu wajahnaa oo munaasibadii balaadhnayd ee lagu daahfurayey kaadh qaadashada doorashada Somaliland ku soo fool leh oo maanta ka qabsoontay magaalada Burco oo ka dhacday Kaafi Hotel hadal uu ka jeediyey Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) uu eedayn farabadan oo runtii uu ii soo jeediyey aniga Muniir ahaan oo ku saabsanayd in badhasaabku igu eedeeyey in waxyaabo ka dhacay soo dhaweyntii xisbiga Waddani ee Galoolay, Sheekh iyo Burco oo aanan anigu ogayn aan anigu masuul ka ahaa qalalaase iyo fawdona ay abuurtay oo ninka waxaa kiciyey ee uu ku eedeeyeyna uu ahaa Muniir, sida badhasaabku hadalka u dhigay.
Runtii Muniir ahaan iyo Xisbi ahaan toona ma ogin manaanaan arag meel buuq iyo qalalaase ka dhacay ama ka muuqday intii Weftiga xisbiga Waddani uu jidka soo maray, laga soo bilaabo deegaanada gobolka Saaxil ilaa Togdheer ee lagu soo dhaweeyey weftiga Murashaxa xisbiga Waddani oo aan ka mid ahaa, waxa si nabadgalyo ah oo aad u balaadhan ay noogu soo galbinayeen jamaahiirta xisbiga Waddani oo ay dariiqyada aad u tubnaayeen dadka deegaamadii aanu soo maraynay oo ay ka muuqatay qiiro farabadani.
Dadkaasi taageerayaasha xisbiga Waddani ah cidi may abaabulin waxaan arkayey dadkii deegaanka Hudusa iyo Sheekh oo si lama ilaawaan ah xisbiga Waddani iyo madaxdiisa u qaabilay una soo dhaweeyey.
Badhasaabka gobolka Togdheer hadii ay canaani kaga timid xaga gudoomiyaha xisbiga Kulmiye, oo ay sanqadh tirasho iyo qaab muuqasho la’aan ah gobolka Togdheer ku yimid maaha inuu kula soo galgasho xisbiga Waddani iyo Masuuliyiintiisa, arimahaasi uu Badhasaabku sheegayna wax ka jiraa ma jiro oo halkan ayaan ka beeninayaa, wax dhibaato ah oo dhacayna ma ogi, wax aanu abaabulnayna ma jirin, hadalkayagiina wax uu dhaliyey oon wanaag ahayna muu jirin oo wax aan wanaag ahayni nagamuu soo bixin, warkaa badhasaabku uu xafladaasi ka sheegay oo masuuliyiin badani ay fadhiday oo gudoomiyaha xisbiga KUlmiye uu fadhiyey, gudoomiyaha xisbiga Waddani, Komishankii, Xildhibaano iyo dad kale oo masuuliyiin ahi ay fadhiyeen, maanaan filayn inuu eedayn waxba kama jiraan ah ka soo jeediyo isagoo runtii aan badhasaabku wax hubsanin, waxaan u malaynayaa uun waxbaa dhagta loogu tuuray, warkaasina war aanu maqalnay ma ahayn eedaasina mid meesha qabanaysay ma ahayn, waxaan leeyahay saaxiib in aad wax hubsato ayay ahayd.” Ayuu yidhi Muniir Axmed Cigaal, Kaaliyaha Warbaahinta ee Musharaxa xisbiga Waddani.