Wasiiru Dawlaha Cusub Ee Wasaarada Duuista Iyo Hawada S/land Axmed Cali Baynax Oo Ka Mid Ahaa Xubnihii Ku Jiray Isku Shaandhayntii Ugu Danbaysay Ee Madaxweyne Siilanyo Sameeyay Ayaa Mudadii Koobnayd Ee Uu Ka Mid Ahaa Masuuliyiinta Xukuumada Waxbadan Kusoo Kordhiyay Siyaasadii Iyo Nidaamyadii Shaqo Ee Wasaarada Duulista Iyo Hawada Sidoo Kale Masuuliyad Weyna Iska Saaray Siduu Wax Uga Qaban Lahaa Tabashadii Baahiyaha Aasaasiga Ahaa Ee Dadyawga Kasoo Jeeda Degaanada Gobolka Sanaag Oo Uu Degaan Ahaan Kasoo Jeedo
Siyaasi Axmed Cali Baynax Ayaa Hore Uga Mid Ahaa Xubnaha Sida Weyn Uga Shaqeeyay Sidii Xisbiga Kulmiye Uqaban Lahaa Hogaanka Dalka Ayaa Mudadii Aan Badnayn Ee Uu Ahaa Wasiiru Dawlaha Furfuray Oo Qayb Laxaadleh Ka Qaaday In Laysku Afgarto Qabsoomida Iyo Siduu Udhacayo Shirka Beelaha Biciide Waxaanu Kulamo Gooni Gooni Ahna Isugu Yeedhay Odayaasha Siyaasiyiinta Dhalinyarada Iyo Waxgaradka Beelaha Biciide Si Ay Isula Jaanqaadaan Siyaasad Ahaan Iyo Mabaadii Ahaanba Wixii Tabasho Iyo Tilmaan Ahna Si Wada Jira Isugu Wada Afgartaan
Wasiiru Dawle Axmed Cali Baynax Ayaa Sidoo Kale Dar Dar Shaqo Durba Ku Iba Furay Nidaamka Shaqo Ee Wasaarada Duulista Iyo Hawada S/land Yadoo Uu Kulamo Qaabilaada La Yeeshay Safiiro Iyo Khubaro Ajaaniba
Si Kastaba Ha Ahaatee Masuulkan Ayaa Wax Weyn Ka Qabtay Baahiyihii Iyo Tabashooyinkii Adeegyada Arimaha Bulshada Ee Degaanada Baaxada Weyn Ee Gobolka Sanaag Iyo Meelo La Mida