WAR DEG DEG AH: Shil Gaadhi Oo Noociisu Ku Cusub Yahay Waddanka Ayaa Ka Dhacay Duleedka Bari Ee Hargaysa

0
481

Ugu Yaraan Saddex qof ayaa ku dhintay Shil baabuur oo ka dhacay duleedka bari ee magaalada Hargeysa.

Laba gaadhi oo kala ahaa Neytiin iyo Booyad ayaa isku dhacay, waxaana la sheegayaa in saddexda qof ee dhintay ay saarnaayeen gaadhiga Booyada.

Goobjoogayaal ku sugan Kaantaroolka Haleeyo ee duleed bari ee magaalada Hargeysa oo la hadlay warbaahinta waxaa ay sheegayaan in ciidamada Booliiska Somaliland iyo Gaadiidka degdega ay qaadeen maydadka dadkaasi.Shilka ayaa ka dhacay deegaanka Haleeyo ee bariga magaalada Hargeysa.

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Wadooyinka Faysal Xiis oo warbaahinta kula hadlay Goobta shilku ka dhacay ayaa sheegay in shilkani yahay kii ugu horeeyay ee Noociisa ah Somaliland ka dhaca.

Shilalka Gaadiidka ayaa kusoo noqnoqda deegaanada Somaliland iyadoo muddo 12 maalmood ka horna shil noocan oo kale ahna ka dhacay duleedka magaalada Hargeysa ee Kaantaroolka Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here