Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Xuseen Aadan Cige (Deyr) oo Shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Gabiley oo uu Safar ku joogo, ayaa ka hadlay Warar Maalmihii u dambeeyay la isla dhex marayey, kuwaasi oo ka dayrinaya Xaaladda Caafimaad ee Madaxweyne Axmed-Siilaanyo oo ku sugan Dubai.
Afhayeen Deyr oo daba socda Wararka dhiillada leh ee laga soo sheegayo Xaaladda Caafimaad ee Madaxweynaha, ayaa sheegay in Wararkaasi yihiin been aan waxba ka jirin isla-markaana Madaxweynuhu Caafimaad-qabo, wax Qalliin ahna aanu ku gelin Magaalada Dubai.
Afhayeenka oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxa jira Warar badan oo aad mooddo in Dadka qaarkood Habaar ula jeedaan, oo ay leeyihiin Madaxweynaha Xaaladdiisu waa Halis, Dhakhtar buu ku jiraa, Qaliin baa lagu sameeyay, ha loo soo duceeyo. Waxaanu leenahay Madaxweynuhu wuu Caafimaad qabaa, Alxamdullilaah-buu taagan yahay, waa Madaxweynaheennii, Habaarna inagama mudna.”
Xuseen-Deyr waxa kale oo uu sheegay “Dadka Mucaaradka ah ee Caafimaadka Madaxweynaha ololaha ka dhiganaya, waxaan leeyahay Caafimaadka Madaxweynuhu Olole ma noqdo, Cudurka iyo Caafimaadkana ILAAHAY baa haya. Markaa Dadweynaha Reer Somaliland Gudo iyo dibedba waxaan u sheegayaa in Madaxweynuhu Caafimaad qabo, Wax Qalliin ah aanu gelin, Xaalad Caafimaad oo xunna aanu ku jirin..”ayuu yidhi