Musuqmaasuqa noociisa ugu weyn waxa la yidhaa Systematic Corruption; waa marka musuqu dhuuxa iyo lafaha dal leeyahay galo ee uu maskaxda dadka dego shuruucda qarankana halakeeyo.
musuqa noociisan ibtilada ahi marka uu ummad ismaamulkeed amma dawladnimadeed ku yimaado; erayga ku habboon ee umaddaa lagu odhan karaa waa Alle ha idiin naxariisto.
Sababta eraygani ugu habboon yahay in dalkaa iyo dadkiisaa loo adeegsado waa in musuqa noocan ahi la mid yahay xanuunka Kansarka oo kale. Waa sidii oo uu cudurku jidhka unugyadiisa ugu waaweyn sida beerka, wadnaha, sanbabada iyo kelyaha rawaxinyo oo kale.
Iswaydiintu waxa ay tahay musuqa noociisan ibtilada ahi ma ka jiraa Somaliland? Si aynnu su’aashan uga jawaabno, bal aan u gonda-dego inta aan ka ogahay heerka musuqa ka jira Somaliland ee aan soo taabtay.
Musuqa maanta Somaliland ka jira ee aan sida fiican u darsay saddexdii sano ee aan ku noqnoqnayey waa saddex nooc:-
1. Bureaucratic Corruption; waa nooca laaluushka aynnu naqaan amma hawl fududaynta; sidoo kale waxa ku jira qabaxda cusub ee wariyayaasha aakhir-sabaanka ah. Noocan isaga waa mid habarta indhaha li’i ay ogsoon tahay oo aan cidna caad ka saarneyn.
Musuqani waa uu laangadhaysiiyaa nolosha dawladnimada. Nasiib wanaag se waa mid haddii hoggaan go’aan qaadasho leh oo diyaar ah la helo laga takhalusi karo.
2. Grand Corruption; musuqa noocan ahi waa mid aad u culus, waa musuq isaga tallaabay wixii la wada lahaa iyo wixii gaarka loo lahaa ((private & public sectors).
Waa musuq gaadha ilaa heer siyaasigu uu ganacsade noqdo, sharciga hadba dhinicii la doono loo duwo, khayraadka dalka la iibsado, danta qaranka laga doorto mid shakhsi ah; waana marka boobku iyo xatooyada qaranku ay ceeb noqon waydo!
Waa musuq dawladnimada u ekaysiiya in ay cadow ku tahay dadkeeda iyo dalkeeda, waa musuq aakhirka dadka dhexdiisa uur xumo ku keena oo dulleeya ahdaafta qaranka, isla markaana ka takhalusa hammadda nololeed ee da’ yarta.
Nin diida iyo nin ogolaada, nin wax og iyo nimaan waxba ogayn, nin dan leh iyo nimaan wax dhaadayn kaa doonto noqo, se maanta musuqani Somaliland waa uu yaal haddii aan wax laga qaban aakhirka waa uu hagaasin oo dhakhso qayrkeed uga reebi.
Meelaha uu aadka uga jiraana waa xarumaha iyo hay’aadka adeegga dawladda iyo hay’aadka caalamiga iyo kuwa maxalliga ah (NGOs) ee Somaliland jooga. Musuqani waxa uu caan ku yahay sicir barar iyo bulshada oo laba dabaqadood noqoto oo inta badani daranyo hoogto.
3. Legal and Moral Corruption; musuqan la kor dhabay ee haddana la hoos dhabay dadkeena aad ayuu ugu badan yahay. Waana musuq weyn oo aakhirka isku beddela Systematic Corruption haddii aan si weyn loo gaadhin.
Maanta haddii aan laga gaadhin Somaliland oo saddexdan musuq ee halaagga ahi ka jiraan waxa hubaal ah in aaney dawladnimadeenu sii jiri doonin. Waxa se nasiib wanaag ah in musuqan saddexda ah ( Bureaucratic Corruption, Grand Corruption & Legal and Moral Corruption) la la dagaallami karo haddii hoggaamiye san la helo.
haddii se dhakhso loo la dagaallami waayo, waxa uu u muddo kooban ugu gudbi doonaa Systematic Corruption oo ah musuq aan cillinkiisa la saari karin oo marka ay ugu yar tahay haddii dagaal lagu qaado laga ga adkaan karo in ka badan 100 sano. Reer Somaliland, musuqaa dhibkiisa Alle ha garansiiyo.
Mohamed Hagi Mohamoud