Haddii Ina Cabdalle Xasan geesi ahaa, Axmed Cabdi Godane halyeey buu ahaa!

0
594

Muuqaalka Axmed Cabdi Godane ee dhawaan la arkay waxa uu dhaliyey muran badan, waxaana uu dibadda soo dhigay afkaar badan oo ku jiray qalbiyada dadka iyo aragtiyo aad u kala fog oo laga qabay, muranka uu muuqaalkani dhaliyey waxa uu noqon doonaa muran taariikheed oo weligiiba taagnaan doona, balse muxuu kaga duwanaa Ina Cabdalle Xasan?

Axmed Cabdi Godane ma uu samayn wax ka xun wixii uu sameeyey Ina Cabdalle Xasan, haddii laga tegi waayana, dhaqan ahaan Axmed Cabdi Godane waa uu ka dhaqan wanaagsanaa ninkaa Ina Cabdalle Xasan la odhan jiray oo sidiisii uma af-xumayn, xoolaha dadkana ma uu dhici jirin oo xaaraan uma badheedhi jirin sidii uu wadaadkaas Ina Cabdalle samayn jiray. Labadooduba waxa ay samayeen ficillo isku mid ah, waxa ay xalaashadeen dhiiggii Muslimiinta, waxa aanay dhiig badan ku daadiyeen iyagoo daliishana aayado iyo axaadiis ay wanjaleen. Haddaba sharciga laba qof oo isku ficil sameeyey midna Geesi ka dhigay midna argagixiso ka dhigay halka uu ku yaallo ma dastuurka Soomaaliyaa mise waa kii Siyaad Barre!

Hadday Gumeysi la dirir tahay Axmed Cabdi Godane wuxuu la dagaallamay toddoba dowladood oo gaalo ah oo ay ugu waaweyn yihiin Itoobiya iyo Kiiniya, waxaana uu la galay dagaallo badan oo qadhaadh. Sida caanka ah Ina Cabdalle Xasan oo ahaa nin aan lagu midaysnayn, in geesi lagu sheego waxa keentay dowladdii Siyaad Barre oo ku caan baxday ixtiraam la’aanta taariikhda, waanad iska garan kartaa in cidda geesiga ka dhigtay ay tahay uun cid aan reer ahaan ka fogayn isla ninkan geesiga lagu sheegayo.

Caqliga cadaaladda in uun yaqaannaa waxa uu inoo sheegayaa in labadii qof ee isku si u dhaqmaa ay isku xukun qaadanayaan, cidda kala qaaddaana aanay qiil u heli karin ay midna geesi kaga dhigto midna aragagixiso iyo dhiigyo-cab kaga dhigto.

Ugu dambayn, haddii Ina Cabdalle Xasan Geesi ahaa, Ina Cabdi Godane halyeey buu ahaa. Dhanka kalena, haddii Ina Cabdalle Xasan dhiigyo-cab ahaa, Axmed Cabdi Godenana la mid ayuu ahaa! Marna ma kala hadhayaan, meelna kuma kala hadhayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here