Xisbul xaakimka KULMIYE ayaa ilaa imika ku kala hagaagi la guddiyadii kaambaynka ee xisbiga KULMIYE waxaana guux weyni hadheeyey qaabka xisbigu u galay hanaanka loo qorshaynayo inay gudiyadu u qaybsamaan xubnihii hagilahaa kaambaynka.
Balse khilaaf curdan-dhadhiyey qaabka loo shaqaynayo ayaa ka dhex curtay xisbiga kulmiye kaas sabab u noqdey in khilaafkani banaanka u soo baxo ka dib markii ay qorsheeyeen in gobol walba yeesho guddiyo kaambayn iyo guddoomiye kaambayn oo isagu hagidoona hawl maal-meedka xisbiga ee hawlaha ololaha heer gobol waana mida horseed u noqotay in laysku fahmi waayo sida qorshuhu noqonayo iyagoona guddiyadaasi oo ka kooban xildhibaano baarlamaan, nusdambeedka xisbiga kulmiye iyo kulmiyahanka heer gobol ay guddi waliba iska dhex dooranayso guddoomiye kaambayn waxaana ilaa hadda laysku fahmi la yahay qaabkii loo wajilahaa.
Waxaana lagu sababeeyey kadib markii hogaanka Kulmiye iska soo fogeeyeen inay iyagu magacaabaan ama doortaan xubnaha kaambaynka u mataleya gobolkasta waxaana guuxan loo aaneynayaa in Murashaxa Madaxweyne ee xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi sabab u yahay in guddiyadani maaro u waayaan wajahida qaabka ay usoo xulayaan maadaama murashaxii xisbiga KULMIYE iska diiday in uu gacantiisa kumagacaabo.
Qorshan gudida kaambaynka ee Muuse Biixi iska soo fogeeyey ayaa lagu fasiray banbo uu qaraxeeda iska soo fogeeyey si aaney ugu waryeelan dil-dilaaca ka dhalan kara qorshe xumada xisbiga kulmiye ku wajahayo doorashada madaxtooyada dalka oo xamaasadiidu aad u culus tahay sawir siyaasadeedna aan laga bixin Karin saadaasha doorasha maadaama xisbi waliba wato team adag oo fahmaya masraxa siyaasada wallow loo tirinayo in xisbiga KULMIYE wato siyaasiyiin miisaan culus kule siyaasada oo aan imika jarad barad balse xisbigu dhayelsanayo inay u cugtaan garoomada adag ee laysku arki doono.
Guuxa iyo sawaxanka ka dhex curtay xisbiga kulmiye ayaa ah mishiin istaadhay mooro siyaasadeed oo haddii aan dab-damis ka galin Murashaxa qasri doonka ahi ay ku fool-adkaan doonto sidii uu uga dabaalan lahaa badweynta olole doorasho ee dalka ka socota.
Sidoo kale waxaa magaalada burco ka curtay kacdoon siyaasadeed oo lix ka mid ah xildhibaanada ugu baarqabsan golaha deegaanka degmada burco ee ka soo baxay KULMIYE ay saluug xoogan ka muujiyeen qaab-xumada kulmiye u wajay kaambaynka doorashada waxaase diiradda lagu hayaa qaraxyo siyaasadeed oo ku soo wajahan xisbiga KULMIYE .