Nin qorsheynaayay inuu dilo Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron,
ayaa gacanta lagu dhigay sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan Booliska dalka Faransiiska.
Ninkan ayaa lagu qabtay Koonfur Bari Magaalada Paris ee dalkaasi Faransiiska, waxaana wararka ay intaasi ku darayaan xilliga ninkaan la qabanaayay inuu Bartiisa Facebook uu ku soo qoray inuu doonaayo iibsashada qori Ak47 ah si uu ugu khaarijiyo Madaxweynaha.
Afhayeenad u hadashay Madaxweyne Macron ayaa CNN u sheegtay in ninkan uu qorsheynaayay in uu dilo Madaxweynaha maalinta xuska Champs-Élysées ee ka dhacaya Paris 14-ka July, xuskaas oo uu sidoo kale marti ku yahay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Ninka la qabtay ee ay hadda weydiimaha ku socdaan ayaa la rumeysan yahay in uu ka tirsan yahay Kooxda midigta fog ee Faransiiska,waxaana qoraallada uu Facebook-giisa ku soo qoray ka mid ah in uu doonayo in uu dilo,Dadka Madowga,Carabta,Yuhuudda iyo Muslimiinta.